1
SABUURRADII 91:2
Kitaabka Quduuska Ah
Waxaan Rabbiga ka odhan doonaa, Isagu waa magangalkayga iyo qalcaddayda Oo waa Ilaahayga aan isku halleeyo.
Compare
Explore SABUURRADII 91:2
2
SABUURRADII 91:1
Kan dega Ilaaha ugu sarreeya meeshiisa qarsoon Wuxuu joogi doonaa hooska Qaadirka.
Explore SABUURRADII 91:1
3
SABUURRADII 91:15
Wuu i baryi doonaa, oo waan u jawaabi doonaa, Oo markuu dhibaataysan yahay, waan la jiri doonaa, Oo waan samatabbixin doonaa, waanan murwayn doonaa.
Explore SABUURRADII 91:15
4
SABUURRADII 91:11
Waayo, isagu wuxuu malaa'igihiisa ku amri doonaa Inay jidadkaaga oo dhan kugu ilaaliyaan.
Explore SABUURRADII 91:11
5
SABUURRADII 91:4
Oo wuxuu kugu dedi doonaa baalashiisa, Oo waxaad magangeli doontaa baadadkiisa, Runtiisuna waxay tahay gaashaan iyo gabbaad.
Explore SABUURRADII 91:4
6
SABUURRADII 91:9-10
Waayo, waxaad tidhi, Rabbigu waa magangalkayga, Oo Kan ugu sarreeya ayaa degmadayda ah. Shar kuguma dhici doono, Belaayona teendhadaada uma soo dhowaan doonto.
Explore SABUURRADII 91:9-10
7
SABUURRADII 91:3
Waayo, wuxuu kaa samatabbixin doonaa dabinka ugaadhsadaha, Iyo belaayada aad u xun.
Explore SABUURRADII 91:3
8
SABUURRADII 91:7
Dhinacaaga waxaa ku dhici doona kun, Midigtaadana waxaa ku ag dhici doona toban kun, Innabase kuuma soo dhowaan doonto.
Explore SABUURRADII 91:7
9
SABUURRADII 91:5-6
Waa inaanad ka cabsan naxdinta habeennimada, Iyo fallaadha dharaarnimada duulaysa toona, Ama belaayada gudcurka ku socota, Iyo halligaadda duhurka wax baabbi'isa.
Explore SABUURRADII 91:5-6
YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy
Home
Bible
Plans
Videos