1
MAAHMAAHYADII 22:6
Kitaabka Quduuska Ah
SOM08
Ilmo u rabbee siduu ku socon lahaa, Oo isna xataa markuu gaboobo kama leexan doono.
Compare
Explore MAAHMAAHYADII 22:6
2
MAAHMAAHYADII 22:4
Is-hoosaysiinta iyo Rabbiga ka cabsashadiisa abaalgudkoodu Waxaa weeyaan hodantinimo iyo sharaf iyo nolol.
Explore MAAHMAAHYADII 22:4
3
MAAHMAAHYADII 22:1
Magac wanaagsan baa laga doortaa maal badan, Oo nimcana waa ka wanaagsan tahay lacag iyo dahab.
Explore MAAHMAAHYADII 22:1
4
MAAHMAAHYADII 22:24
Ha la saaxiibin nin xanaaq badan, Oo nin cadho kululna waa inaanad la socon
Explore MAAHMAAHYADII 22:24
5
MAAHMAAHYADII 22:9
Kii il deeqsiya lahu wuu barakoobi doonaa, Waayo, isagu wuxuu cuntadiisa wax ka siiyaa masaakiinta.
Explore MAAHMAAHYADII 22:9
6
MAAHMAAHYADII 22:3
Ninkii miyir lahu sharkuu arkaa, wuuna dhuuntaa, Laakiinse garaadlaawayaashu way iska sii maraan, waana la taqsiiraa.
Explore MAAHMAAHYADII 22:3
7
MAAHMAAHYADII 22:7
Taajirku masaakiintuu u taliyaa Oo kii wax amaahdaana midiidin buu u yahay kii wax amaahiya.
Explore MAAHMAAHYADII 22:7
8
MAAHMAAHYADII 22:2
Taajirka iyo miskiinku way wada kulmaan, Oo Rabbigu waa kii kulligood sameeyey.
Explore MAAHMAAHYADII 22:2
9
MAAHMAAHYADII 22:22-23
Miskiinka ha dhicin, waayo, isagu waa miskiin, Oo kan dhibaataysanna meesha iridda ha ku dulmin, Waayo, Rabbiga ayaa dacwadooda u qaadi doona, Oo kuwa iyaga dhaca naftoodana wuu dhici doonaa.
Explore MAAHMAAHYADII 22:22-23
Home
Bible
Plans
Videos