Laakiinse maalintaas waan ku samatabbixin doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay, oo laguma gelin doono gacanta dadka aad ka baqaysid. Waayo, hubaal waan ku badbaadin doonaa, oo innaba seef kuma aad dhiman doontid, laakiinse naftaadu waxay kuu ahaan doontaa sida booli oo kale, maxaa yeelay, waad isku kay hallaysay, ayaa Rabbigu leeyahay.