1
YACQUUB 3:17
Kitaabka Quduuska Ah
SOM08
Laakiin xigmaddii kor ka timaadaa horta waa daahir, dabadeedna waa nabad iyo qabow iyo mid si dhib yar loola heshiiyo, oo waxaa ka buuxa naxariis iyo midho wanaagsan, mana leh u-kala-eexasho ama labaweji.
Compare
Explore YACQUUB 3:17
2
YACQUUB 3:13
Kumaa idinku dhex jira oo xigmad iyo waxgarasho leh? Shuqulladiisa ha ku muujiyo dabiicaddiisa wanaagsan, isagoo leh qabowga xigmadda.
Explore YACQUUB 3:13
3
YACQUUB 3:18
Midhaha xaqnimada nabad waa loogu beeraa kuwa nabadda ka shaqeeya.
Explore YACQUUB 3:18
4
YACQUUB 3:16
Waayo, meeshii xaasidnimo iyo iskala qaybqaybinu ku jiraan, meeshaas waxaa ku jira iskuqasnaan iyo falniin kasta oo shar leh.
Explore YACQUUB 3:16
5
YACQUUB 3:9-10
Isla isagaynu ku ammaannaa Rabbiga iyo Aabbaha, oo isla isagaynu ku habaarnaa dadka Ilaah ekaantiisa laga abuuray. Isku af baa waxaa ka soo baxa ammaan iyo habaar. Walaalahayow, waxyaalahanu waa inaanay sidaas noqon.
Explore YACQUUB 3:9-10
6
YACQUUB 3:6
Carrabkuna waa dab, waana dunida xaqdarrada. Carrabku wuxuu ku dhex jiraa xubnaheenna, waana kan wasakheeya jidhka oo dhan oo ololiya orodka abuurista, oo jahannamadu isagay ololisaa.
Explore YACQUUB 3:6
7
YACQUUB 3:8
Laakiin ninna ma rabbayn karo carrabka; waa shar rogrogmada, oo waxaa ka buuxda sunta wax disha.
Explore YACQUUB 3:8
8
YACQUUB 3:1
Macallimiin badan ha noqonina, walaalahayow, idinkoo garanaya inaynu heli doonno xukun ka sii weyn.
Explore YACQUUB 3:1