Ruuxii Sayidka Rabbiga ah ayaa i dul jooga, waayo, wuxuu Rabbigu ii subkay inaan war wanaagsan masaakiinta ku wacdiyo, wuxuuna ii soo diray inaan kuwa qalbiga jaban bogsiiyo, iyo inaan maxaabiista xornimada ogeysiiyo, kuwa xidhanna furriinnimada, iyo inaan dadka ogeysiiyo sannadda qaabbilaadda ah ee Rabbiga iyo maalintii aarsashada Ilaahayaga, iyo inaan kuwa baroorta oo dhan u qalbi qaboojiyo, iyo inaan kuwa Siyoon ku baroorta meeshii dambaska qurux madaxooda ka saaro, oo meeshii baroorashadana aan saliiddii farxadda ka siiyo, oo meeshii qalbijabna aan dharkii ammaanta ka siiyo, in iyaga lagu magacaabo geedihii xaqnimada iyo beeriddii Rabbiga, si uu isagu u ammaanmo.