Oo Rabbigu wuu ii jawaabay, oo wuxuu igu yidhi, Waxa lagu tusay qor, oo looxyo ku caddee, si kii akhristaaba u ordo. Waayo, wixii lagu tusay waa weli, oo waxay iman doonaan wakhtigii la yidhi, wayna u degdegaan ugudambaysta, oo innaba been ma sheegi doonaan. In kastoo ay raagaan waa inaad sugtaa, maxaa yeelay, sida xaqiiqada ah way noqon doonaan, oo innaba ma raagi doonaan.