1
EFESOS 6:12
Kitaabka Quduuska Ah
SOM08
Waayo, innagu lama legdanno bini-aadan, laakiinse waxaynu la legdannaa kuwa madaxda ah iyo kuwa amarka leh iyo taliyayaasha dunida gudcurka ah iyo ruuxyada sharka ah oo samooyinka ku jira.
Compare
Explore EFESOS 6:12
2
EFESOS 6:18
Mar kasta Ilaah wax kaga barya Ruuxa baryo iyo duco kastaba, oo taas ku dhawra adkaysasho oo dhan iyo u-ducaynta quduusiinta oo dhan.
Explore EFESOS 6:18
3
EFESOS 6:11
Oo hubka Ilaah oo dhan qaata, si aad u awooddaan inaad sirta Ibliiska hor istaagtaan.
Explore EFESOS 6:11
4
EFESOS 6:13
Haddaba sidaas daraaddeed hubka Ilaah qaata si aad u awooddaan inaad maalinta sharka iyaga is-hor taagtaan, oo markaad saas oo dhan yeeshaan aad awooddaan inaad istaagtaan.
Explore EFESOS 6:13
5
EFESOS 6:16-17
oo weliba waxaa kaloo aad qaadataan gaashaanka rumaysadka, kaas oo aad ku awoodaysaan inaad ku wada demisaan kan sharka leh fallaadhihiisa ololaya oo dhan. Oo waxaad qaadataan koofiyada badbaadada iyo seefta Ruuxa oo ah erayga Ilaah.
Explore EFESOS 6:16-17
6
EFESOS 6:14-15
Haddaba istaaga idinkoo runta dhexda ku xidhan, oo laabtana laabdhawrka xaqnimada ku xidhan, oo cagahana gashan isu-diyaarinta injiilka nabadda
Explore EFESOS 6:14-15
7
EFESOS 6:10
Ugu dambaysta waxaan idinku leeyahay, Ku xoogaysta Rabbiga iyo xoogga itaalkiisa.
Explore EFESOS 6:10
8
EFESOS 6:2-3
Qaynuunkii kowaad oo ballan la jiraa waa kan, Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus inaad nabdoonaatid oo cimrigaagu ku dheeraado dhulka.
Explore EFESOS 6:2-3
9
EFESOS 6:1
Carruurtay, waalidkiinna ku addeeca xagga Rabbiga, waayo, taasu waa qumman tahay.
Explore EFESOS 6:1
Home
Bible
Plans
Videos