1
MATAYOS 22:37-39
KITAABKA QUDUUSKA AH
SOMBIBLE
Kolkaasuu ku yidhi isaga, Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo caqligaaga oo dhan. Kanu waa qaynuunka ugu weyn oo ugu horreeya. Ku labaad oo u ekina waa kan. Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada.
Compare
Explore MATAYOS 22:37-39
2
MATAYOS 22:40
Sharcigii oo dhan iyo nebiyadiiba waxay sudhan yihiin labadan qaynuun.
Explore MATAYOS 22:40
3
MATAYOS 22:14
Waayo, kuwo badan baa loo yeedhay, laakiin kuwo yar baa la doortay.
Explore MATAYOS 22:14
4
MATAYOS 22:30
Waayo, wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay dabadeed, layskuma guursado, guurna layskuma siiyo, laakiin waxay yihiin sida malaa'igaha Ilaah oo jannada ku jira.
Explore MATAYOS 22:30
5
MATAYOS 22:19-21
I tusa lacagta cashuurta. Kolkaasay u keeneen dinaar. Wuxuu ku yidhi, Yaa leh masawirkan iyo qorniinkan? Waxay ku yidhaahdeen, Kaysar baa leh. Markaasuu ku yidhi, Haddaba Kaysar siiya wixii Kaysar leeyahay, Ilaahna siiya wixii Ilaah leeyahay.
Explore MATAYOS 22:19-21
Home
Bible
Plans
Videos