YouVersion Logo
Search Icon

SABUURRADII 71

71
1Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyaa,
Yaanan weligay wareerin.
2Xaqnimadaada igu samatabbixi oo i nabad geli,
Dhegta ii dhig, oo i badbaadi.
3Ii noqo dhagax weyn oo rug ah, oo aan had iyo goorba ku noqnoqdo,
Waxaad amar ku bixisay in lay badbaadsho,
Waayo, adigu waxaad tahay dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda.
4Ilaahayow, iga badbaadi kan sharka leh gacantiisa,
Iyo gacanta xaqlaawaha iyo ninka nacabkaa.
5Waayo, Sayidow Ilaahow, waxaad tahay rajadayda,
Oo waxaad tahay kii aan isku hallaynayay tan iyo yaraantaydii.
6Tan iyo uurkii hooyaday adigaa i tiirinayay,
Waxaad tahay kii iga soo bixiyey uurkii hooyaday,
Had iyo goorba adigaan ku ammaani doonaa.
7Anigu kuwo badan baan u ahay sidii wax yaab leh,
Laakiinse adigu waxaad ii tahay magangal xoog leh.
8Maalin kasta waxaa afkayga ka buuxi doona
Ammaantaada iyo sharaftaada.
9Ha i tuurin markaan gaboobo,
Oo ha i dayrin markaan itaal darnaado.
10Waayo, cadaawayaashaydu waxay ka hadlaan wax igu saabsan,
Oo kuwa naftayda inay iga qaadaan doonayaana way wada arrinsadaan,
11Oo waxay isyidhaahdaan, Ilaah baa dayriyey,
Haddaba ka daba taga oo qabta, waayo, ma jiro mid samatabbixinayaa.
12Ilaahow, ha iga fogaan,
Ilaahayow, soo dhaqso oo i caawi.
13Kuwa naftayda cadaawayaal ku ahu ha ceeboobeen oo ha baabba'een,
Oo kuwa waxyeelladayda doondoonayana ceeb iyo sharafdarro ha ku bateen.
14Laakiinse anigu had iyo goorba wax baan rajaynayaa,
Oo weliba waan kuu sii ammaanayaa aad iyo aad.
15Afkaygu wuxuu maalinta oo dhan ka sheekayn doonaa xaqnimadaada, iyo badbaadintaada,
Waayo, anigu ma aqaan intay tiro le'eg yihiin.
16Waxaan la imanayaa Sayidka Ilaahaa shuqulladiisa xoogga leh,
Oo waxaan ka hadli doonaa xaqnimadaada, taasoo ah taada oo keliya.
17Ilaahow, wax baad i bari jirtay tan iyo yaraantaydii,
Oo ilaa haatanna waxaan caddayn jiray shuqulladaada yaabka badan.
18Ilaahow, ha i dayrin, xataa markaan gaboobo oo madaxaygu cirroobo,
Jeeraan xooggaaga uga warramo farcanka dambe
Oo aan itaalkaaga uga sheekeeyo mid kasta oo hadda ka dib imanaya.
19Ilaahow, xaqnimadaadu aad iyo aad bay u sarraysaa,
Ilaahow, adiga oo waxyaalaha waaweyn sameeyey,
Bal yaa kula mid ah?
20Adiga oo na tusay dhibaatooyin badan oo aad u xun,
Ayaa haddana na noolayn doona,
Oo haddana waxaad naga soo saari doontaa dhulka moolkiisa.
21Weynaantayda ii sii kordhi,
Oo intaad soo jeesatid i qalbi qabooji.
22Ilaahow, waxaan kugu ammaani doonaa alaab muusiko ah,
Oo runtaadaan ammaani doonaa,
Israa'iil kiisa Quduuska ahow,
Waxaan ammaan kuugula gabyi doonaa kataarad.
23Bushimahaygu aad bay ugu farxi doonaan, markaan ammaan kuugu gabyo,
Oo xataa naftaydii aad soo furatayna way rayrayn doonta.
24Oo weliba carrabkayguna maalinta oo dhan wuxuu ka sheekayn doonaa xaqnimadaada,
Waayo, kuwa waxyeelladayda doondoonayaa way ceeboobaan, oo way isku wareeraan.

Currently Selected:

SABUURRADII 71: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy