YouVersion Logo
Search Icon

SABUURRADII 6

6
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah, oo Shemiiniid lagu luuqeeyo.
1Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan,
Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.
2Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, anigu waan taagdaranahay,
Rabbiyow, i bogsii, waayo, lafahaygu way dhib qabaan.
3Oo weliba naftayduna aad iyo aad bay u dhibaataysan tahay,
Adiguse, Rabbiyow, ilaa goormaad sugaysaa?
4Rabbiyow, soo noqo oo naftayda samatabbixi,
Oo igu badbaadi raxmaddaada daraaddeed.
5Waayo, geeridu ma leh xusuus adiga lagugu xusuusto,
Bal yaase She'ool kaaga mahadnaqi doona?
6Waxaan la daalay jibaadkayga,
Habeen kasta sariirtayda oohin baan ku qoyaa.
Gogoshaydana waxaan ku qoyaa ilmadayda.
7Ishaydu waxay la gudhaysaa tiiraanyo,
Oo cadaawayaashayda daraaddood ayay la gabowdaa.
8Iga taga, kuwiinna xaqdarrada ka shaqeeya oo dhammow,
Waayo, Rabbigu waa maqlay codkii oohintayda.
9Rabbigu waa maqlay baryootankaygii,
Oo Rabbigu waa aqbalayaa tukashadayda.
10Cadaawayaashayda oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, oo aad iyo aad bay u dhibtoon doonaan,
Dib bay u noqon doonaan, oo si kediso ah ayay u ceeboobi doonaan.

Currently Selected:

SABUURRADII 6: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy