SABUURRADII 125
125
Gabayga meelokoridda.
1Kuwa Rabbiga isku halleeyaa
Waa sida Buur Siyoon oo aan la dhaqaajin karin, laakiinse weligeedba sii jirta.
2Sida buuruhu Yeruusaalem ugu wareegsan yihiin
Ayuu Rabbigu dadkiisa ugu wareegsan yahay,
Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba.
3Waayo, usha xumaantu ku dhici mayso qaybta kuwa xaqa ah,
Si aan kuwa xaqa ahu gacmahooda xumaan ugu soo fidin.
4Rabbiyow, kuwa wanaagsan wanaag u samee,
Iyo weliba kuwa qalbigoodu qumman yahay.
5Laakiinse kuwa geesta ugu leexda jidadkooda qalloocan
Rabbigu wuxuu iyaga la kaxayn doonaa xumaanfalayaasha.
Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.
Currently Selected:
SABUURRADII 125: SOM08
Highlight
Share
Copy
Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in
Kitaabka Quduuska Ah © Society for International Ministries, 2008
Learn more about Kitaabka Quduuska Ah