YouVersion Logo
Search Icon

MAAHMAAHYADII 2

2
Faa'iidada Xigmadda
1Wiilkaygiiyow, haddaad erayadayda aqbashid,
Oo aad amarradayda qalbigaaga ku haysatid,
2Si aad dhegta xigmadda ugu dhigtid,
Oo aad qalbigaagana waxgarashada ugu qabatid;
3Haddaad wax-kala-garashada ka daba qaylisid,
Oo aad codkaaga waxgarashada kor ugu qaaddid;
4Haddaad iyada u raadisid sida lacagta oo kale,
Oo aad u doondoontid sida maal qarsoon,
5Markaas waxaad garan doontaa Rabbiga ka cabsashadiisa,
Oo waxaad heli doontaa aqoonta Ilaah.
6Waayo, Rabbigu isagaa bixiya xigmadda,
Oo afkiisa waxaa ka soo baxa aqoonta iyo waxgarashada.
7Isagu kuwa xaqa ah xigmad buu u kaydiyaa,
Oo kuwa daacadnimada u socdana waa u gaashaan.
8Isagu wuxuu dhawraa waddooyinka garta,
Oo wuxuu xannaaneeyaa jidka quduusiintiisa.
9Markaasaad garan doontaa xaqnimada, iyo garta,
Iyo caaddilnimada, iyo jid kasta oo wanaagsan.
10Waayo, waxaa qalbigaaga soo geli doonta xigmadda,
Oo aqoontuna waxay ka farxin doontaa naftaada;
11Digtoonaanta baa ku xanaanayn doonta,
Oo waxaa ku dhawri doonta waxgarashada,
12Si lagaaga samatabbixiyo jidka kan sharka ah,
Iyo dadka waxyaalaha qalloocan ku hadla,
13Oo qummanaanta waddooyinkeeda ka taga,
Si ay jidadka gudcurka ugu socdaan,
14Oo ay ku reyreeyaan inay xumaan falaan,
Oo ay qalloocnaanta kan sharkaa ku farxaan;
15Oo jidadkoodu maroorsan yihiin,
Oo waddooyinkooduna qalloocan yihiin,
16In lagaa samatabbixiyo naagta qalaad,
Xataa naagta qalaad oo hadalladeeda kugu sasabata,
17Taasoo ka tagta horseedkii yaraanteeda,
Oo illowda axdigii Ilaaheeda;
18Waayo, gurigeedu wuxuu ku foororaa dhimasho,
Oo waddooyinkeeduna waxay ku dhaadhacaan kuwii dhintay.
19Kuwa iyada u gala midkoodna sooma noqdo,
Oo waddooyinka noloshana ma ay helaan.
20Waa inaad ku socotid jidka dadka wanaagsan,
Oo aad dhawrtid waddooyinka kuwa xaqa ah.
21Waayo, kuwa qummanu dhulkay fadhiyi doonaan,
Oo kuwa kaamilka ahuna way sii joogi doonaan.
22Laakiinse kuwa sharkaa waa laga gooyn doonaa dhulka,
Oo khaayinnadana waa laga rujin doonaa.

Currently Selected:

MAAHMAAHYADII 2: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy