YouVersion Logo
Search Icon

AYUUB 29

29
1Oo haddana Ayuub hadalkiisuu sii waday, oo wuxuu yidhi,
2Waxaan jeclaan lahaa inaan ahaado sidii waayihii hore,
Iyo sidii aan ahaan jiray markii Ilaah i dhawri jiray,
3Markay laambaddiisu madaxayga ku ifin jirtay,
Oo aan nuurkiisa gudcurka ku dhex mari jiray,
4Markii aan xoog lahaan jiray,
Oo qarsoodiga Ilaahna teendhadayda saarnaan jiray,
5Markii Ilaaha Qaadirka ahu ila jiri jiray,
Oo carruurtayduna ay hareerahayga joogi jireen,
6Markay tallaabooyinkaygu subagga la barwaaqoobi jireen,
Oo ay webiyaasha saliidda ahu dhagaxa iiga soo shubmi jireen!
7Markaan magaalada iriddeeda u bixi jiray,
Oo aan kursigayga meel bannaan ku diyaarin jiray.
8Dhallinyaradu intay i arkaan ayay dhuuman jireen,
Oo odayaashuna intay sara joogsadaan ayay istaagi jireen,
9Amiirraduna intay hadalka joojiyaan,
Ayay afka gacanta saari jireen.
10Ragga gobta ahuna way aamusi jireen,
Oo carrabkoodiina dhabxanagguu ku dhegi jiray.
11Waayo, markii dhegu i maqasho, way ii ducayn jirtay,
Oo iluna markay i aragto, way ii marag furi jirtay.
12Maxaa yeelay, waxaan samatabbixin jiray miskiinka qaylinaya,
Iyo weliba agoonka aan wax u kaalmeeya lahayn.
13Ka halligaadda ku dhow ducadiisa ayaa igu soo degi jirtay,
Oo ta carmalka ahna qalbigeeda waan ka farxin jiray ilaa ay gabay la rayrayso.
14Waxaan huwan jiray xaqnimo, oo iyana dhar bay ii noqon jirtay,
Oo caddaaladdayduna waxay ii ahaan jirtay sida khamiis iyo cimaamad oo kale.
15Kuwa indhaha la' indho baan u ahaan jiray,
Kuwa curyaanka ahna cago baan u ahaan jiray.
16Aabbaan u ahaan jiray saboolka baahan,
Oo ka aanan aqoonna xaalkiisa waan baadhi jiray.
17Ka xaqa daran daamankiisa waan jebin jiray,
Oo wixii uu dhufsadana ilkihiisaan ka soo bixin jiray.
18Markaasaan is-idhi, Buulkaygaan ku dhex dhiman doonaa,
Oo cimrigayguna wuxuu u badan doonaa sida cammuudda oo kale.
19Xididkaygu biyaha xaggooduu u faafayaa,
Oo laamahaygana habeenkii oo dhan waxaa saaran sayax.
20Sharaftaydu way igu cusub tahay,
Oo qaansadayduna gacantayday ku cusboonaatay.
21Dadku dhegtuu ii dhigi jiray, oo i sugi jiray,
Oo taladayda aawadeedna way u aamusi jireen.
22Weligood igama ay daba hadlin,
Oo hadalkayguna korkooduu ku soo dhibci jiray.
23Oo waxay ii dhawri jireen sidii roobka oo kale,
Oo waxay afkooda u kala furi jireen sidii roobka dambe loo sugo.
24Waan u af caddayn jiray markay qalbi jabaan,
Oo nuurkii jaahaygana hoos uma ay tuuri jirin.
25Waxaan dooran jiray jidkooda, oo sida nin madax ah ayaan u fadhiisan jiray,
Oo waxaan u dhaqmi jiray sidii boqor ciidan dhex fadhiya,
Iyo sidii mid u tacsiyeeya kuwa baroorta.

Currently Selected:

AYUUB 29: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy