Rooma 2
2
Illaahey xukunkiisa xaqa ah
1Waxaa laga yaabaa inaad istiraahdaan waad xukumi kartaan dadkaas, laakiin sidooda oo kale ayaad u xuntihiin, wax cududaar ahna ma haysataan! Wixii aad dadka ku xukuntaan ayaad ku xukumantihiin, waayo idinkan wax xukumaya ayaa sidaas oo kale sameeya. 2Waan ognahay in Illaahey ku saxsan yahay inuu xukumo qof walboo sidaas u dhaqma. 3Haddaba miyaad u maleysaan in uusan Illaahey idin ciqaabi doonin, markaad u dhaqantaan sida kuwa aad eedeyneysaan? 4Wax badan kama fikirtaan miyaa wanaaga Illaahey ee la yaabka leh ama dulqaadkiisa. Ma ogidiin miyaa sababta uu Illaahey idin kugu wanaagsan yahay iney tahay inuu rabo inaad u toobadkeentaan?
5Laakiin madax adeegiina iyo qalbi aan toobadkeenka lahayn daraadeed, waxaad isku badineysaan carada Illaahey maalinta Illaahey aduunka xaq ku xukumayo. 6Illaahey “Wuxuu qof walba ku abaalmarin doonaa wuxuu sameeyay.” 7Wuxuu siin doonaa nolosha weligeed ah kuwa si joogto ah u sameeyay waxa wanaagsan iyagoo rajeynaya iney helaan ammaan, sharaf iyo nolol aan dhamaaneyn. 8Laakiin wuxuu tusi doonaa caradiisa kuwa naftooda kaliya ka fikira oo diida runta xumaan falayaashana ah. 9Waxaa ku dhici doona dhib iyo rafaad kuwa xumaan falayaasha ah, marka hore Yuhuudda kadibna dadka aan Yuhuudda ahayn. 10Laakiin kuwa wanaaga sameeya waxaa lagu abaalmarin doonaa ammaan, sharaf iyo nabad, marka hore Yuhuudda kadibna dadka aan Yuhuudda ahayn. 11Waayo Illaahey dadka uma kala eexdo.
12Dhamaan kuwa aanan sharciga Illaahey garaneyn ee dembaaba waxaa lagu xukumi doonaa xumaantey sameeyaan. Kuwa sharciga garanaya ee dembaabana waxaa lagu xukumi doonaa sharcigii ey jabiyeen. 13Waayo ma aha kuwa sharciga maqla iney Illaahey hortiisa ka yihiin xaq, laakiin waxaa xaq ah kuwa sharciga adeeca. 14Dadka aan Yuhuudda ahayn kuwaasoo aan haysanin sharciga Illaahey, waxey tusaan iney sharcigiisa haystaan oo si dabiici ahna u adeecaan, inkastoo eysan maqlin. 15Arintaas waxey muujineysaa in damiirku yahay sida sharci ku qoran binu aadanka qalbigooda, wuxuuna natusayaa in na la cafiyay ama na la xukumay. 16Waxan oo dhan waxaa la arki doonaa maalinta uu Illaahey oo adeegsanaya Ciise Masiix xukumayo dadka sirahooda qarsoon, waana sida uu injiilkeygu idiin sheegayo.
Yuhuudda iyo sharciga
17Idinkan iskugu yeera Yuhuudda, waxaad isku haleysaan sharciga waxaadna ku faantaan Illaahey. 18Haddii aad garaneysaan doonistiisa oo aad aqbasheen waxa wanaagsan waayo waxaa idin hagayay sharciga. 19Waxaad ku qanacdeen inaad hogaan u tihiin kuwa indhoolayaasha ah iftiinna aad u tihiin kuwa mugdiga ku lunsan. 20Waxaad u maleysaan inaad hagi kartaan kuwa aan aqoonta lahayn ciyaalkana bari kartaan wadada Illaah. Waayo waxaad hubtaan sharciga Illaahey inuu idin siinayo aqoon dhameystiran iyo run. 21Haddaba sidee ayaad dadka wax u bari kartaan idinkoo diidan inaad wax barataan? Waxaad dadka kale ugu wacdisaan in eysan wax xadin, laakiin idinku wax ma xadaan miyaa? 22Waxaad tiraahdaan waa dembi in la sineysto, laakiin idinku ma sineysataan miyaa? Waxaad xukuntaan kuwa sanamyada caabuda, laakiin soo ma isticmaashaan alaab laga soo xaday macbadyada kuwa aan Illaahey garaneyn? 23Waxaad ku faantaan inaad garaneysaan sharciga, laakiin waxaad ceebeysaan magaca Illaahey markaad sharciga jabisaan. 24Waana sida uu kitaabku inoo sheegayo, “Dadka aan Yuhuudda ahayn waxey caayaan magaca Illaahey idinka dartiin.”
25Gudniinku wuxuu qiimo leeyahay markaad adeecdo sharciga Illaahey. Laakiin haddii aadan adeecin sharciga Illaahey, kama qiimo badnid qofka aan gudneyn. 26Haddaba haddii dadka aan gudneyn sharciga Illaahey adeecaan, miyuusan Illaahey ka dhigeyn dadkiisi? 27Runtii kuwa aan jir ahaan gudneyn ee adeeca sharciga ayaa idin xukumi doona idinkan Yuhuudda gudan ee haysta sharciga qoran iyo gudniinka laakiin idinku waxaad tihiin kuwa jebiya sharciga.
28Qofna Yuhuud kuma noqon karo muuqaalka oo kaliya, ama guudniinka jir ahaaneed. 29Yuhuudnimada dhabta ah waa inaad qalbigaaga Illaahey ku xirto. Gudniinka dhabta ahna ma aha waxa jirkaaga lagu sameeyay ee waa gudniinka qalbiga ee ka yimaada Ruuxa. Qofka qalbigiisu beddelmayna wuxuu ammaan ka sugaa Illaahey ee dadka kama sugo.
Šiuo metu pasirinkta:
Rooma 2: EI
Paryškinti
Kopijuoti
Palyginti
Dalintis
Norite, kad paryškinimai būtų įrašyti visuose jūsų įrenginiuose? Prisijunkite arba registruokitės
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.