YouVersion Logo
Search Icon

GABAYGII SULAYMAAN 1

1
1Kanu waa gabaygii gabayada ee Sulaymaan.
Gacalisada Hadlaysaa
2Isagu ha igu dhunkado dhunkashooyinka afkiisa;
Waayo, jacaylkaagu xataa khamri wuu ka sii macaan yahay.
3Saliiddaadu caraf wanaagsan bay leedahay,
Oo magacaaguna waa sida saliidcadar la shubay,
Oo sidaas daraaddeed baa habluhu kuu jecel yihiin.
4I soo jiido, waannu kaa daba ordaynaaye.
Boqorkii wuxuu i soo geliyey qolladihiisii.
Saaxiibadaha Hadlayaa
Annagu waannu kugu farxi doonnaa, oo waannu kugu rayrayn doonnaa,
Oo jacaylkaagana waxaannu u sii xusuusan doonnaa in khamri ka sii badan.
Gacalisada Hadlaysaa
Si qumman ayay kuu jecel yihiin.
5Gabdhaha reer Yeruusaalemow,
Anigu waan madoobahay, laakiinse waan u qurxoonahay
Sida teendhooyinkii reer Qedaar
Iyo sida daahyadii Sulaymaan.
6Ha ii soo dhuganina madowgayga qorraxdu i gubtay aawadiis.
Wiilashii hooyaday ayaa ii cadhooday,
Oo waxay iga dhigeen ilaaliyihii beeraha canabka ah,
Laakiinse beertayda canabka ah ma aan dhawrayn.
7Kan naftaydu jeceshahayow, ii sheeg
Meesha aad adhigaaga daajisid, iyo meesha aad hadhkii hadhisid;
Waayo, bal maxaan u ahaanayaa
Sida mid ag wareegta adhyaha saaxiibbadaa?
Saxiibadaha Hadlayaa
8Taada naagaha ugu qurux badanay, haddaadan aqoon,
Waxaad daba gashaa adhiga raadkiisa,
Oo waxaad waxarahaaga ag daajisaa teendhooyinka adhijirrada.
Gacaliyaha Hadlayaa
9Taan jeclahayay, waxaan kugu masaalay
Faras ka mid ah fardihii gaadhifardoodyadii Fircoon.
10Dhabannadaadu waxay la qurxoon yihiin timo tidcan,
Oo qoortaaduna laasimmo jowharad ah.
11Waxaannu kuu samaynaynaa silsilado dahab ah
Oo lacag laga taagay.
Gacalisada Hadlaysaa
12Inta boqorku miiskiisii fadhiyey,
Ayaa cadarkaygii naaradiinka ahaa caraftiisu soo baxday.
13Gacaliyahaygu wuxuu ii yahay sida guntin malmal ah
Oo habeenkii oo dhan naasahayga ku dhex jirta.
14Gacaliyahaygu wuxuu ii yahay sida xidhmo ubax xinne ah
Oo beeraha canabka ah ee Ceyn Gedii ku yaal.
Gacaliyaha Hadlayaa
15Taan jeclahayay, bal eeg, adigu waad qurxoon tahay, bal eeg, waad qurxoon tahay,
Oo waxaad leedahay indhaha qoolleyda oo kale.
Gacalisada Hadlaysaa
16Gacaliyahaygow, bal eeg, adba waad qurxoon tahay, waanad wacan tahay,
Oo weliba sariirteennuna waa cagaar.
Gacaliyaha Hadlayaa
17Alwaaxda gurigeennu waa qoryo kedar ah,
Oo saqafkeennuna waa qoryo beroosh ah.

Currently Selected:

GABAYGII SULAYMAAN 1: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy