YouVersion Logo
Search Icon

SABUURRADII 64

64
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
1Ilaahow, codkayga maqal markii aan kuu soo cawdo,
Oo naftayda ka ilaali cadowga cabsidiisa.
2Oo iga qari talada qarsoon oo kuwa sharka ka shaqeeya,
Iyo tirabadnaanta xumaanfalayaasha,
3Oo carrabkooda u afeeyey sidii seef oo kale,
Oo fallaadhahoodii liishaamay kuwaas oo ah erayo qadhaadh,
4Si ay meelo qarsoon kan qumman fallaadh ugaga ganaan,
Haddiiba si kedis ah ayay ugu ganaan, mana cabsadaan.
5Qasdi shar ah bay isku dhiirrigeliyaan,
Waxay ku arrinsadaan inay si qarsoon dabinno u dhigaan,
Oo ay isyidhaahdaan, Bal yaa arki doona?
6Waxay baadhaan xumaatooyin, iyagoo leh, Annagu baadhid caqli ah ayaannu ebinnay,
Fikirka ku jira uurka nin walba iyo qalbiguba waa mool dheer yihiin.
7Laakiinse Ilaah waa toogan doonaa,
Oo haddiiba iyaga waxaa dhaawici doonta fallaadh.
8Sidaas daraaddeed waa la kufin doonaa, iyagoo carrabkoodu col u yahay naftooda,
Wax alla wixii iyaga arka oo dhammu way carari doonaan.
9Oo dadka oo dhammu way cabsan doonaan,
Oo waxay sheegi doonaan shuqulka Ilaah,
Oo si caqli ah ayay uga fikiri doonaan wuxuu sameeyey.
10Kuwa xaqa ahu waxay ku farxi doonaan Rabbiga, oo isagay isku hallayn doonaan,
Oo inta qalbigoodu toosan yahay oo dhammuna way faani doonaan.

Currently Selected:

SABUURRADII 64: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy