YouVersion Logo
Search Icon

SABUURRADII 42

42
Kitaabka Labaad
Sabuurrada 42-72
Kanu waa gabay Maskiil ah oo ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha.
1Sida deeradu biyaha durdurka ugu harraaddo,
Ayay naftaydu kuugu harraaddaa, Ilaahayow.
2Naftaydu waxay u oomman tahay Ilaah, kaasoo ah Ilaaha nool.
Goormaan u tegi doonaa oo aan Ilaah hortiisa ka muuqan doonaa?
3Habeen iyo maalinba waxaa cunto ii noqday ilmadaydii,
Intay had iyo goorba i leeyihiin, Ilaahaagu meeh?
4Haddaba waan qarracmaa markaan soo xusuusto waxyaalahan,
Sidaan guutada u raaci jiray, oo aan iyaga ugu hor kici jiray guriga Ilaah,
Annagoo ku heesayna cod farxad ah iyo ammaan, oo ah dad fara badan oo iidaya.
5Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay?
Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay?
Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan isaga u ammaanayaa caawimaadda wejigiisa.
6Ilaahayow, naftaydu waa igu murugaysan tahay,
Oo sidaas daraaddeed waxaan ka xusuusnahay dalkii Urdun,
Iyo fiiqfiiqyada Buur Xermoon iyo Buur Miscaar.
7Moolba mool buu u yeedhaa markay biya dhacu qaylinayaan,
Hirarkaagii iyo mawjadahaagii oo dhammu dushayday mareen.
8Laakiinse Rabbigu maalinnimada wuxuu soo diri doonaa raxmaddiisa,
Oo habeennimadana waxaa ila jiri doona gabaygiisa,
Iyo baryootanka aan Ilaaha noloshayda baryo.
9Waxaan Ilaaha dhagaxayga weyn ah ku odhan doonaa, Bal maxaad ii illowday?
Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?
10Sida iyadoo seefu lafahayga burburinayso, ayaa cadaawayaashaydu i caayaan,
Intay had iyo goorba i leeyihiin, Ilaahaagu meeh?
11Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay?
Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay?
Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan ammaanayaa
Isagoo ah caawimaadda wejigayga iyo Ilaahay.

Currently Selected:

SABUURRADII 42: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy