YouVersion Logo
Search Icon

SABUURRADII 24

24
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
1Rabbigaa iska leh dhulka iyo waxa ka buuxa oo dhan,
Iyo dunida iyo kuwa degganba.
2Waayo, isagaa badaha dushooda ka aasaasay,
Oo wuxuu ka dul dhisay webiyaasha.
3Bal yaa fuuli doona Rabbiga buurtiisa?
Oo bal yaa dhex istaagi doona meeshiisa quduuska ah?
4Waa kii gacmihiisu nadiifsan yihiin, oo qalbigiisu daahir yahay,
Oo aan naftiisa hawo been ah kor ugu qaadin,
Oo aan si khiyaano leh u dhaaran.
5Kaasu wuxuu Rabbiga ka heli doonaa barako,
Ilaaha badbaadadiisana xaqnimo.
6Kanu waxaa weeye qarnigii kuwa isaga doondoona,
Oo waa kuwa wejigaaga doondoona, Ilaaha Yacquubow. (Selaah)
7Irdahow, madaxiinna kor u qaada,
Oo albaabbada daa'imiska ahow, kor ha laydiin qaado,
Oo waxaa soo geli doona Boqorka ammaanta.
8Bal waa ayo Boqorka ammaantu?
Waa Rabbiga xoog iyo itaal badan,
Waa Rabbiga dagaalka ku xoog badan.
9Irdahow, madaxiinna kor u qaada,
Oo albaabbada daa'imiska ahow, madaxiinna kor u qaada,
Oo waxaa soo geli doona Boqorka ammaanta.
10Bal waa ayo Boqorkan ammaantu?
Waa Rabbiga ciidammada,
Isaga weeye Boqorka ammaantu. (Selaah)

Currently Selected:

SABUURRADII 24: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy