YouVersion Logo
Search Icon

SABUURRADII 110

110
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
1Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso,
Ilaa aan cadaawayaashaada ka dhigo meeshaad cagahaaga saaratid.
2Rabbigu wuxuu Siyoon ka soo diri doonaa ushii xooggaaga,
Cadaawayaashaada dhexdooda ka tali.
3Dadkaagu iyagoo raalli ah bay isbixiyaan maalintii xooggaaga,
Iyagoo leh quruxda quduusnimada, ee ka timaada uurka waaberiga,
Adigaa leh sayaxa dhallinyaranimadaada.
4Rabbigu wuu dhaartay, kana soo noqon maayo, oo wuxuu yidhi,
Adigu weligaaba wadaad baad tahay,
Sidii derejadii Malkisadaq.
5Sayidka midigtaada joogaa
Wuxuu maalinta cadhadiisa dooxi doonaa boqorro.
6Isagu quruumaha dhexdooda ayuu wax ku xukumi doonaa,
Oo meel walba wuxuu ka buuxin doonaa meydad,
Oo waddammo badan ayuu madaxda ka dili doonaa.
7Intuu jidka socdo ayuu durdurka ka cabbi doonaa,
Oo sidaas daraaddeed ayuu madaxa kor u qaadi doonaa.

Currently Selected:

SABUURRADII 110: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy