YouVersion Logo
Search Icon

FILEMON 1

1
Bilowga Warqaddan
1Anigoo Bawlos ah oo Ciise Masiix maxbuus u ah, iyo walaalkeen Timoteyos, waxaannu warqaddan u qoraynaa Filemon oo ah gacaliyahayaga nala shaqeeya, 2iyo walaashayo Afiya, iyo Arkhibbos oo askar nala ah, iyo kiniisadda gurigaaga ku taal. 3Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheenna ah iyo Rabbi Ciise Masiix.
Jacaylkii Iyo Rumaysadkii Filemon
4Had iyo goorba Ilaahay baan kuugu mahadnaqaa, anigoo baryadayda kugu xusuusanaya, 5waayo, waxaan maqlay jacaylka aad quduusiinta oo dhan u qabto iyo rumaysadka aad Rabbi Ciise ku rumaysato. 6Oo waxaan baryayaa in wadaagidda iimaankaagu uu socodsiiyo aqoonta wax kasta oo wanaagsan oo inoogu jira Masiixa. 7Waayo, jacaylkaaga waxaan ku haystay farxad iyo dhiirranaan badan, maxaa yeelay, qalbiga quduusiinta adaa qabowjiyey, walaalkayow.
Oneesimos Oo Ahaa Addoon Cararay
8Sidaas daraaddeed, in kastoo aan Masiixa ku leeyahay dhiirranaan badan inaan kugu amro waxa kuu eg, 9haddana waxaan ka jeclaan lahaa inaan ku baryo jacaylka aawadiis, anigoo ah duqii Bawlos, maxbuusna Ciise Masiix u ah. 10Waxaan kuu baryayaa wiilkayga Oneesimos oo aan dhalay anigoo xabbisan, 11kii waagii hore aan waxtarka kuu lahaan jirin, haatanse adiga iyo anigaba wax ina tara. 12Waan kuu soo celinayaa, isagoo qalbigayga ah. 13Waxaan jeclaan lahaa inaan sii hayo inuu aawadaa iigu adeego inta aan injiilka u xabbisanahay. 14Laakiinse ma aanan doonayn inaan sameeyo wax aadan ila ogayn, inaan wanaaggaagu noqon dirqi laakiinse uu noqdo ikhtiyaar. 15Mindhaa wuxuu cabbaar kaaga maqnaa inaad weligaa haysatid; 16laakiinse aadan mar dambe u haysan addoon sidiis, illowse si mid addoon ka wanaagsan oo ah walaal aan khusuusan anigu jeclahay, laakiinse adigu aad iga sii jeceshahay, xagga jidhka iyo xagga Rabbigaba. 17Haddaba haddaad igu tirinaysid inaan ahay saaxiibkaaga wax kula wadaaga, isaga u aqbal sidaad ii aqbali lahayd. 18Oo hadduu ku xumeeyey ama wax kaa qabo, aniga igu xisaab. 19Anigoo Bawlos ah waxaan gacantayda ku qorayaa, Anigaa bixin doona. Kugu odhan maayo, Wax baan kugu leeyahay xataa naftaadaba ha noqotee. 20Haah, walaalkayow, xagga Rabbiga farxad aan kaa helo, qalbigaygana xagga Masiixa ku qabowji. 21Waxaan aaminsanahay addeeciddaada, oo sidaas daraaddeed ayaan warqaddan kuugu soo qorayaa, anigoo garanaya inaad samaynaysid wax ka sii badan waxaan leeyahay.
Dhammaadka
22Isla markaasna ii diyaari meel aan ku hoydo; waayo, waxaan rajaynayaa in baryadiinna laygu kiin siiyo.
23Waxaa ku soo salaamaya Ebafras oo xagga Ciise Masiix maxbuus ila ah, 24iyo Markos, iyo Aristarkhos, iyo Deemaas, iyo Luukos, kuwaas oo ila shaqeeya.
25Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ruuxiinna ha la jirto. Aamiin.

Currently Selected:

FILEMON 1: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy