YouVersion Logo
Search Icon

AYUUB 8

8
Bildad
1Markaasaa Bildad oo ahaa reer Shuuxii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
2Ilaa goormaad waxyaalahan ku hadlaysaa?
Oo ilaa goormaa erayada afkaagu ahaanayaan sida dabayl xoog badan?
3War ma Ilaah baa garsooridda qalloociya? Mase Ilaaha Qaadirka ah baa caddaaladda qalloociya?
4Haddii carruurtaadii ay isaga ku dembaabeen,
Wuxuu iyagii u gacangeliyey xadgudubkoodii.
5Haddaad aad u barido Ilaah,
Oo aad baryootankaaga hor dhigto Qaadirka,
6Haddaad daahir ahaan lahayd oo aad qummanaan lahayd,
Sida xaqiiqada ah haatan wuu kuu toosi lahaa,
Oo hoyga xaqnimadaadana wuu barwaaqayn lahaa.
7Oo in kastoo bilowgaagii yaraa,
Haddana ugudambaystaadu aad bay u weynaan lahayd.
8Waan ku baryayaaye bal qarniyadii hore wax weyddii,
Oo bal soo garwaaqso waxyaalihii ay awowayaashood fatasheen,
9(Waayo, innagu waxaynu nahay qoonkii shalayto oo qudha, oo waxba garan mayno,
Maxaa yeelay, cimrigeenna aan dhulka joognaa waa sida hoos oo kale.)
10War sow iyagu wax kuma bari doonaan, oo wax kuuma sheegi doonaan,
Oo sow qalbigooda kaalama hadli doonaan?
11War miyaa cawdu ka bixi kartaa meel aan dhoobo lahayn?
Cawsduurkuse miyuu bixi karaa biyola'aantood?
12Intuu weli cagaarka yahay oo aan la gooyn,
Wuu ka hor engegaa dhalatada kale oo dhan.
13Kuwa Ilaah illooba oo dhan wadiiqooyinkoodu waa sidaas oo kale,
Oo ninkii cibaadalaawe ah rajadiisuna way baabba'daa.
14Oo kaas kalsoonaantiisu way kala jajabtaa,
Oo aaminaaddiisuna waa sida xuubcaaro oo kale.
15Wuxuu ku tiirsan doonaa gurigiisa, laakiinse gurigiisu ma taagnaan doono.
Aad buu u xajin doonaa, laakiinse siima uu adkaan doono innaba.
16Isagu waa ku cagaar qorraxda,
Oo laamihiisa curdanka ahuna waxay ka soo kor baxaan beertiisa.
17Oo xididdadiisuna waxay isku duuduubaan taallo dhagaxyo ah,
Oo wuxuu fiiriyaa meesha dhagaxyada.
18Isaga haddii meeshiisa laga baabbi'iyo,
Markaasay inkiri doontaa isaga, oo waxay odhan doontaa, Anigu kumaba arag.
19Farxadda jidkiisu waa sidaas,
Oo waxaa dhulka ka soo bixi doona kuwa kaleto.
20Ilaah marnaba xoori maayo nin qumman,
Kuwa sharka falase tiirin maayo.
21Wuxuu afkaaga ka buuxin doonaa qosol,
Bushimahaagana qaylo farxad leh,
22Kuwa ku neceb waxay xidhan doonaan ceeb,
Teendhada sharrowyaduna mar dambe siima jiri doonto.

Currently Selected:

AYUUB 8: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy