YouVersion Logo
Search Icon

AYUUB 36

36
1Oo weliba Eliihuu hadalkiisii buu watay oo wuxuu yidhi,
2Weliba in yar ii sii kaadi, oo anna wax baan ku tusayaa,
Waayo, weli waxaan hayaa wax aan Ilaah daraaddiis u odhanayo.
3Aqoontayda meel fog baan ka keeni doonaa,
Oo xaqnimana waan ka sheegi doonaa kii i abuuray.
4Waayo, sida runta ah erayadaydu been ma aha;
Oo mid aqoontu kaamil ku tahay ayaa kula jooga.
5Bal eeg, Ilaah waa xoog badan yahay, oo isagu ninna ma quudhsado,
Oo itaalka waxgarashada wuu ku xoog badan yahay.
6Isagu uma daayo kan sharka ahu inuu sii noolaado,
Laakiinse kuwa dhibaataysan xaqooduu siiyaa.
7Isagu indhihiisa kama qaado kuwa xaqa ah,
Laakiinse wuxuu weligoodba la fadhiisiyaa boqorrada carshiga ku fadhiya,
Oo iyaga waa la sarraysiiyaa.
8Oo haddii silsilado lagu xidho,
Oo xadhkaha dhibka lagu kaxaysto,
9Markaas wuxuu iyaga ku caddeeyaa falimahooda,
Iyo xadgudubyadoodii ay kibirka u sameeyeen.
10Oo dhegtoodana wuxuu u furaa waxbaridda,
Oo wuxuu ku amraa inay xumaanta ka soo noqdaan.
11Hadday isaga maqlaan oo ay u adeegaan,
Cimrigooda waxay ku dhammaysan doonaan barwaaqo,
Oo sannadahoodana waxay ku waari doonaan nimco.
12Laakiinse hadday maqli waayaan, seef bay ku baabbi'i doonaan,
Oo waxay dhiman doonaan iyagoo aan aqoon lahayn.
13Laakiinse kuwa cibaadalaawayaasha ah oo qalbigoodu beloobay waxay isa soo gaadhsiiyaan cadho,
Oo markuu iyaga xidhana caawimaad uma qayshadaan.
14Dhallinyaranimay ku dhintaan,
Oo naftooduna waxay ku halligantaa khaniisiinta dhexdooda.
15Isagu kii dhibban ayuu dhibaatadiisa ku samatabbixiyaa,
Oo dhegahana buu u furaa markay dhib la kulmaan.
16Isagu dhibaato wuu kaa bixin lahaa,
Oo wuxuu ku geeyn lahaa meel ballaadhan oo aan cidhiidhi ahayn,
Oo miiskaaga waxa saaran oo dhammuna waxay ahaan lahaayeen baruur miidhan.
17Laakiinse xukunka kuwa sharka ah ayaa kaa buuxa,
Oo garsoorid iyo caddaalad ayaa ku qabsada.
18Iska jir yaanay cadho ku sasabin si aad wax u majaajilootid,
Oo furashada weynaanteeduna yaanay ku leexin.
19Taajirnimadaada iyo xoogga itaalkaaga oo dhammu
Miyey kugu filan yihiin inay dhibaato kaa saaraan?
20Habeenka ha doonin,
Markay dadyowgu meeshooda ku wada baabba'aan.
21Iska jir oo xumaan ha u jeedin,
Waayo, taasaad ka dooratay dhibaato.
22Bal eeg, Ilaah baa xooggiisa ku sarreeya;
Waa ayo macallinka isaga la mid ahu?
23Jidkiisa yaa u amray?
Yaase isaga ku odhan kara, Waxaad samaysay xaqdarro?
24Xusuuso inaad weynaysid shuqulkiisii
Ay dadku ka gabyeen.
25Dadka oo dhammu way wada fiiriyeen,
Oo binu-aadmiguna meel fog buu ka arkaa.
26Bal eeg, Ilaah waa weyn yahay, oo annana isaga ma aannu naqaan;
Oo cimrigiisu intuu yahayna lama soo baadhi karo.
27Waayo, isagu wuxuu kor u jiitaa dhibicyaha biyaha,
Oo wuxuu ka dhigaa ceeryaamo roob noqota,
28Oo daruuraha ka soo da'a,
Oo binu-aadmiga aad ugu dul shubma.
29Ninna miyuu garan karaa daruuraha kala faafintooda,
Iyo onkodyada taambuuggiisa?
30Bal eeg, isagu hareerihiisa wuxuu ku faafiyaa nuurkiisa,
Oo badda salkeedana wuu daboolaa.
31Waayo, isagu kuwaasuu dadyowga ku xukumaa,
Oo cunto badanna wuu siiyaa.
32Gacmihiisuu hillaac ku daboolaa,
Oo wuxuu ku amraa inuu ku dhaco calaamadda uu ku liishaamay.
33Sanqadhiisu isagay wax ka sheegtaa,
Oo weliba xayawaankuna wax bay ka sheegaan waxa soo socda.

Currently Selected:

AYUUB 36: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy