YouVersion Logo
Search Icon

AYUUB 33

33
1Habase ahaatee, Ayuubow, waan ku baryayaaye, hadalkayga maqal,
Oo erayadayda oo dhanna dhegta u dhig.
2Bal eeg haatan, afkaygaan furay,
Oo carrabkaygu wuxuu ku dhex hadlay afkayga.
3Erayadaydu waxay sheegi doonaan qummanaanta qalbigayga,
Oo bushimahayguna wixii ay yaqaaniin si daacad ah ayay ugu hadli doonaan.
4Waxaa i sameeyey Ruuxa Ilaah,
Oo waxaa i noolaysa Ilaaha Qaadirka ah neeftiisa.
5Haddaba haddaad kartid ii jawaab,
Oo hortayda erayada si hagaagsan ugu sheeg oo istaag.
6Bal eeg, aniguba xag Ilaah waxaan ahay sidaada oo kale;
Oo anigana waxaa layga uumay dhoobo.
7Bal eeg, nixintaydu kuma cabsiin doonto,
Oo gacantayduna kuguma cuslaan doonto.
8Sida xaqiiqada ah dhegahaygaad ku hadashay,
Waanan maqlay codkii erayadaada oo leh,
9Anigu nadiif baan ahay, oo xadgudubna ma lihi,
Xaq ma qabo, oo xumaanuna iguma jirto innaba.
10Bal eeg, sabab uu igu eedeeyo ayuu iga helaa,
Oo wuxuu igu tiriyaa inaan cadowgiisa ahay;
11Cagahayga wuxuu geliyaa jeebbooyin,
Oo jidadkayga oo dhanna wuu wada fiiriyaa.
12Bal eeg, waan kuu jawaabi doonaa, haddaba waxan xaq kuma tihid,
Waayo, Ilaah baa binu-aadmiga ka sii weyn.
13Haddaba maxaad isaga ula asaraartantaa?
Waayo, isagu axwaalkiisa midnaba jawaab kama baxsho.
14Waayo, Ilaah wuxuu hadlaa mar,
Ama laba jeer, in kastoo aan laga fiirsanayn.
15Riyada iyo muujinta habeennimo,
Markii hurdo weynu dadka ku soo degto,
Oo sariirta lagu gam'o,
16Markaasuu dhegaha binu-aadmiga furaa,
Oo waxa iyaga lagu waaniyey ayuu xaqiijiyaa,
17Si uu dadka uga soo celiyo qasdigooda xun,
Oo uu binu-aadmiga kibir uga qariyo,
18Oo naftiisana wuxuu dib uga hayaa yamayska,
Oo noloshiisana wuxuu ka hayaa seefta.
19Oo weliba waxaa sariirtiisa lagu kor edbiyaa xanuun,
Iyo dagaal joogto ah oo lafihiisa ku dhex jira.
20Sidaas daraaddeed nafsaddiisu kibista way karahsataa,
Naftiisuna cuntada macaan way nacdaa.
21Hilibkiisu waa ka mudhuxsan yahay, oo mar dambe lama arki karo;
Oo lafihiisii aan la arki jirinuna way soo baxaan.
22Hubaal naftiisu waxay ku dhow dahay yamayska,
Oo noloshiisuna waxay ku dhow dahay kuwii baabbi'in lahaa.
23Hadday la joogi lahayd malaa'ig dhexdhexaadeye ah
Oo ah mid kun ka mid ahu,
Inay dadka tusto waxa ku qumman,
24Markaas Ilaah baa u naxariista, oo wuxuu leeyahay,
Yamayska uu ku sii dhacayo ka samatabbixi,
Waayo, furasho baan helay.
25Hilibkiisu waa ka sii jilicsanaan doonaa kan ilmaha;
Oo wuxuu ku noqdaa wakhtigii dhallinyaranimadiisa.
26Isagu Ilaah buu baryaa, oo isna raalli buu ka noqdaa,
Sidaas daraaddeed wejigiisa farxad buu ku arkaa;
Oo wuxuu dadka u soo celiyaa xaqnimadiisa.
27Isagu dadka hortiisa buu ku gabyaa, oo wuxuu leeyahay,
Waan dembaabay, oo waxaan qalloociyey wixii qummanaa,
Oo taasuna layguma abaalgudin.
28Isagu naftayduu ka soo furtay yamayskii ay ku dhacaysay,
Oo noloshayduna iftiin bay arki doontaa.
29Bal eeg, waxyaalahan oo dhan Ilaah baa binu-aadmiga ku sameeya,
Laba ama saddex jeer,
30Si uu naftiisa yamayska uga soo celiyo,
In isaga lagu iftiimiyo iftiinka kuwa nool.
31Ayuubow, i maqal oo aniga i dhegayso:
Adigu iska aamus, oo anna waan hadli doonaa.
32Haddaad wax odhan lahayd, ii jawaab,
Oo hadal, waayo, waxaan jeclahay inaan xaq kaa dhigo.
33Haddii kalese, bal i dhegayso:
Iska aamus, oo anna xigmad baan ku bari doonaa.

Currently Selected:

AYUUB 33: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy