YouVersion Logo
Search Icon

AYUUB 22

22
Eliifas
1Markaasaa Eliifas oo ahaa reer Teemaan u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
2Ma nin baa Ilaah wax u tari kara?
Hubaal kii xigmad lahu isagaa wax isu tara.
3Balse ma Ilaaha Qaadirka ah baa xaqnimadaada ku farxa?
Mase faa'iido bay u tahay isaga inaad jidkaaga qummaatisid?
4War ma cabsidaada daraaddeed buu kuu canaantaa?
Oo saas daraaddeed miyuu dacwad kuula galaa?
5Sow sharkaagu ma badna?
Xumaatooyinkaagu dhammaad ma laha.
6Waayo, sababla'aan baad walaalkaa rahaamad uga qaadatay,
Oo kuwii arradnaana dharkoodii baad ka mudhuxsatay.
7Kii daallanaana ma aadan siin biyo uu cabbo,
Oo kii gaajaysnaana cunto baad ka hagratay.
8Laakiinse ninkii xoog badnaa isagaa dhulka haystay;
Oo ninkii sharaf lahaana isagaa dalka degganaa.
9Carmallada baad gacan madhnaan ku eriday,
Oo agoonta gacmahoodiina waa la jebiyey.
10Sidaas daraaddeed waxaa hareerahaaga ku wareegsan dabinno,
Oo waxaa ku dhibaya cabsi kedis ah,
11Ama gudcur aadan waxba ku arki karin,
Oo waxaa ku qariya biyo aad u badan.
12War sow Ilaah kuma jiro samada sare?
Oo bal eega xiddigaha dheeraantooda iyo siday u sarreeyaan!
13Oo adna waxaad leedahay, War Ilaah muxuu yaqaan?
Oo gudcurka qarada leh miyuu wax ku dhex xukumi karaa?
14Waxaa isaga ku wareegsan daruuro qaro waaweyn, si uusan wax u arag,
Oo isagu wuxuu ku socdaa wareegga samada.
15War ma waxaad doonaysaa inaad sii haysatid jidkii hore
Ee sharrowyadu ku socon jireen?
16Iyaba waxaa la dhufsaday wakhtigoodii ka hor,
Oo aasaaskoodiina daad baa baabbi'iyey.
17Waxay Ilaah ku yidhaahdeen, War naga tag,
Bal maxaa Ilaaha Qaadirka ahu nagu samayn karaa?
18Laakiin isagu wuxuu guryahooda ka buuxiyey waxyaalo wanwanaagsan;
Talada sharrowguse way iga fog tahay.
19Kuwa xaqa ahu way arkaan oo way farxaan,
Oo kuwa aan xaqa qabinuna way ku qoslaan oo ku majaajiloodaan,
20Waxayna yidhaahdaan, Sida xaqiiqada ah kuwii nagu kacay waa la baabbi'iyey,
Oo kuwoodii hadhayna dab baa liqay.
21Haddaba isaga la heshii, oo iska nabdoonow,
Waayo, sidaasaa wanaag kuugu iman doonaa.
22Haddaba waan ku baryayaaye, sharciga afkiisa ka aqbal,
Oo erayadiisana qalbigaaga geli.
23Waa lagu dhisi doonaa haddaad Ilaaha Qaadirka ah u noqotid,
Oo aad xaqdarrada teendhooyinkaaga ka fogaysid.
24Khasnaddaada waxaad ku xoortaa ciidda,
Oo dahabka Oofirna waxaad ku dhex tuurtaa dhagaxyada durdurka,
25Oo Ilaaha Qaadirka ahuna wuxuu kuu noqon doonaa khasnad,
Iyo lacag qiime badan.
26Oo markaasaad Ilaaha Qaadirka ah ku farxi doontaa,
Oo wejigaagana Ilaah baad kor ugu qaadi doontaa.
27Oo isagaad u tukan doontaa, oo isna wuu ku maqli doonaa,
Oo adna waxaad bixin doontaa waxyaalihii aad nidartay.
28Adiguna wax baad amri doontaa, oo waa laguu adkayn doonaa;
Oo jidadkaaguna iftiin bay lahaan doonaan.
29Markii hoos laguu tuuro, waxaad odhan doontaa, Waa lay sarraysiinayaa,
Oo qofkii hooseeyana isagaa badbaadin doona.
30Oo wuxuu samatabbixin doonaa kii aan xaq qabin;
Hubaal isaga waxaa lagu samatabbixin doonaa nadiifsanaanta gacmahaaga.

Currently Selected:

AYUUB 22: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy