YouVersion Logo
Search Icon

GALATIYA 1

1
Salaan
1Waxaa warqaddan qoraya Bawlos oo ah rasuul aan xagga dadka ka iman, oo aan dadna ku iman, laakiinse ku yimid Ciise Masiix iyo Ilaaha Aabbaha ah oo isaga ka sara kiciyey kuwii dhintay. 2Aniga iyo walaalaha ila jooga oo dhammi waxaannu tan u qoraynaa kiniisadaha Galatiya. 3Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbigeenna Ciise Masiix, 4kan naftiisii u bixiyey dembiyadeenna aawadood, si uu inooga bixiyo dunidatan la joogo oo sharka leh sida ay tahay doonista kan Ilaah iyo Aabbe inoo ah. 5Isagaa ammaanta leh weligiis iyo weligiis. Aamiin.
Bawlos Wuxuu Ka Qalbi Jabay Dadka Galatiya
6Waxaan la yaabsanahay dhaqsiiyaha aad uga dhaqaaqaysaan kii nimcada Masiixa idiinku yeedhay, oo aad u leexanaysaan injiil kale, 7oo aan ahayn mid kale, laakiin waxaa jira kuwo idin dhibaya, oo doonaya inay injiilka Masiixa qalloociyaan. 8Laakiinse annaga ha noqoto ama malaa'ig samada ka timid ha noqotee, kii idinku wacdiya injiil aan ahayn kaannu idinku wacdinnay, ha inkaarnaado. 9Sidii aannu markii hore nidhi, waxaan haatanna leeyahay, Haddii nin idinku wacdiyo injiil kale oo aan ahayn kii aad aqbasheen, ha inkaarnaado. 10Ma waxaan haatan is-oggolaysiinayaa dadka mise Ilaah? Mise waxaan doondoonayaa inaan dadka ka farxiyo? Haddaan weli dadka ka sii farxinayo, ma aanan ahaadeen addoonkii Masiixa.
Bawlos Wuxuu Injiilka Ka Helay Masiixa, Laakiin Dadka Kama Helin
11Walaalayaalow, waxaan idin ogaysiinayaa in injiilka aan idinku wacdiyey uusan ka iman xagga dadka. 12Waayo, kama aan helin xagga dadka, laymana barin, laakiin waxaa ii muujiyey Ciise Masiix. 13Waad maqasheen dabiicaddaydii hore xagga diintii Yuhuudda, sidii aan kiniisaddii Ilaah aad iyo aad ugu silcin jiray oo u kharribi jiray. 14Oo kuwa badan oo asaaggay ah oo aan isku waddan nahay ayaan kaga hor maray diinta Yuhuudda, anigoo aad iyo aad ugu adag xeerarkii awowayaashay. 15Laakiin Ilaaha uurkii hooyaday iga doortay, oo nimcadiisa iigu yeedhay, markuu ku farxay 16inuu Wiilkiisa iga dhex muujiyo inaan dadka aan Yuhuudda ahayn ku wacdiyo isaga warkiisa, isla markaasba lama aan tashan bini aadan. 17Yeruusaalemna uma aan aadin kuwii hortay rasuullada ahaa, laakiinse waxaan aaday dalka Carabta, dabadeedna waxaan ku soo noqday Dimishaq.
18Kolkaasaan saddex sannadood dabadeed Yeruusaalem aaday inaan Keeyfas soo barto, oo shan iyo toban maalmood ayaan la joogay isagii. 19Laakiin rasuulladii kale midna kama arag, Yacquub oo ah Sayidka walaalkiis mooyaane. 20Waxan aan idiin soo qorayo, Ilaah hortiis, been ka sheegi maayo. 21Markaas dabadeed waxaan imid xagga dalalka Suuriya iyo Kilikiya, 22oo weliba laygama weji garanayn kiniisadaha Masiixa oo Yahuudiya ku yiil. 23Laakiin waxay maqleen oo keliya in la yidhi, Kii mar ina silcin jiray, hadda wuxuu wax ku wacdiyayaa iimaankii uu mar kharribi jiray. 24Oo Ilaah bay u ammaaneen daraadday.

Currently Selected:

GALATIYA 1: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy