HOOSHEECA 3
3
Maslaxaddii Hoosheeca Ee Afadiisa
1Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Haddana tag, oo waxaad jeclaataa naag la caashaqo oo dhillo ah, sida Rabbigu u jecel yahay dadka Israa'iil in kastoo ay ilaahyo kale u jeestaan, oo ay jeclaadaan wax sabiib ah. 2Sidaas daraaddeed iyadaan ku soo iibsaday shan iyo toban xabbadood oo lacag ah, iyo xomeer iyo badh oo shaciir ah. 3Oo waxaan iyada ku idhi, Waa inaad wakhti dheer ii joogtaa, oo aadan dhilloobin, oo aadan innaba nin kale naagtiis noqon, oo aniguna sidaas oo kalaan kuu ahaan doonaa. 4Waayo, dadka Israa'iil wakhti dheer bay joogi doonaan boqorla'aan, iyo amiirla'aan, allabarila'aan, iyo tiirla'aan, eefodla'aan, iyo teraafiimla'aan. 5Oo markaas dabadeedna dadka Israa'iil way soo noqon doonaan, oo waxay doondooni doonaan Rabbiga Ilaahooda ah, iyo Daa'uud oo boqorkooda ah, oo ugu dambaysta ayay cabsi ula iman doonaan Rabbigooda iyo wanaaggiisa.
Currently Selected:
HOOSHEECA 3: SOM08
Highlight
Share
Copy
Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in
Kitaabka Quduuska Ah © Society for International Ministries, 2008
Learn more about Kitaabka Quduuska AhHOOSHEECA 3

:
Highlight
Share
Copy
Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in
Kitaabka Quduuska Ah © Society for International Ministries, 2008
Learn more about Kitaabka Quduuska Ah