Falimaha 5
5
Ananiyas iyo Safira
1Haddaba nin la yiraahdo Ananiyas iyo xaaskiisa Safira ayaa gaday dhul ey lahaayeen. 2Iyadoo ey xaaskiisu la ogtahay ayuu lacagtii qaar la haray qaarkii kalana wuxuu u keenay rasuulladii.
3Kadib Butros ayaa weydiiyay, “Ananiyasow, sidee ayey ku dhacday inuu Shaydaanku qalbigaaga galay oo aad Ruuxa Quduuska ah been u sheegeyso lana hartay qaar ka mid ah lacagtii aad dhulka ku gaday? 4Adiga soo ma aadan lahayn inta aadan gadin ka hor? Oo markaad gaday kadibna adigu uma aadan talin? Maxaa kugu kalifay inaad waxan oo kale sameyso? Dadka oo kaliya ma aadan khiyaanin ee waxaad khiyaantay Illaahey.”
5Ananiyas markii uu maqlay arintaas, dhulka ayuu ku dhacay wuuna dhintay. Dadkii maqlay wixii dhacayna cabsi weyn ayaa gashay. 6Markaas ayaa niman dhalinyaro ah meydkiisi duuduubeen oo qaadeen soona aaseen.
7Saddex saacadood kadib xaaskii Ananiyas ayaa timid iyadoo aan ogayn waxa ninkeedi ku dhacay. 8Markaas ayuu Butros weydiiyay, “Ii sheeg, ma lacagtan ayaad adiga iyo Ananiyas ku gadeen dhulka?”
Markaas ayey ugu jawaabtay, “Haa, lacagtan ayaan ku gadnay.”
9Laakiin Butros ayaa ku yiri, “Sidee ayaad ugu heshiiseen inaad Ruuxa Rabbiga jarribtaan? I dhagayso! Kuwii ninkaaga soo aasay albaabka ayey taagan yihiin, adigana wey ku soo aasi doonaan.”
10Isla markiiba dhulka ayey ku dhacday weyna dhimatay. Kadib markey dhalinyaradii soo laabteen, oo ey arkeen meydkeedi, wey qaadeen oo ku aaseen qabri ku dhagan kii ninkeeda. 11Cabsi weyn ayaa gashay xertii oo dhan iyo qof walboo maqlay wixii dhacay.
Rasuulladii oo bogsiiyay dad badan
12Rasuulladii waxey dadka dhexdooda ku sameeyeen calaamooyin iyo yaabab badan. Waxeyna ku kulmi jireen Balbaladii Sulaymaan. 13Qaar kalana kuma dhicin iney meeshaas kula kulmaan, inkastoo dadku aad u xushmeyn jireen. 14Sidaas oo ey tahayna, niman iyo naago badan ayaa aaminay Rabbiga tiradooduna wey badatay. 15Dad xanuusan ayaana la soo dhigayay jidadka iyagoo ku jiifa sariiro iyo derimo waxeyna rajeynayeen ugu yaraan in qaarkood uu hooska Butros qabto markii uu meeshaas marayo. 16Dad badan ayaana ka kala yimid magaalooyinka ku dhow Yeruusaalem, iyagoo keenaya dadkooda xanuusan ama ey gashay ruuxda wasakhda leh, kuligoodna waa la bogsiiyay.
Rasuulladii oo la silciyay
17Kadib wadaadkii sare iyo kuwii la socday oo ka mid ahaa Sadukiinta ayaa aad u maseyray. 18Markaas ayey rasuulladii qabteen oo xabsi galiyeen. 19Laakiin habeenkii markii la gaaray waxaa yimid malag xagga Illaah ka socda oo albaabka furay xabsigana ka saaray. 20Wuxuuna ku yiri, “Taga macbadka oo dadka u sheega wax walboo ku saabsan noloshan cusub.”
21Aroortii ayey macbadka yimaadeen oo sidii lagu amray bilaabeen iney dadka wax baraan.
Markii wadaadkii sare iyo kuwii la socday yimaadeen, waxey iskugu yeereen shir ey wada joogaan dhamaan odayaasha reer binu Israa’iil waxeyna amreen in rasuulladii xabsiga laga soo saaro oo hortooda la keeno. 22Markii askartii xabsiga tageen wey waayeen rasuulladii kadib waxey ku soo laabteen odayaashii waxeyna ku yiraahdeen, 23“Markaan tagnay albaabka xabsigu wuu xirnaa oo aad ayaa loo ilaalinayay. Laakiin markaan gudaha u galnay qofna kuma jirin.” 24Markii sarkaalkii macbadka iyo gudoomiyayaashii wadaaddadu maqleen warbixintooda wey la fajaceen iyagoo la yaaban waxan waxey noqon doonaan.
25Isla markiiba qof ayaa soo galay oo ku yiri, “Nimankii aad xabsiga ku xirteen waxey joogaan macbadka waxeyna wax barayaan dadka!” 26Markaas ayuu sarkaalkii macbadka oo ey askartiisi la socoto tageen oo soo wadeen rasuulladii iyagoo aan xoog isticmaalin maxaa yeelay waxey ka cabsanayeen iney dadku dhagaxeeyaan.
27Markii rasuulladii la hor keenay odayaashii, wadaadkii sare ayaa ku yiri, 28“Waxaan si cad idin kugu sheegnay in eydan dadka barin wax ku saabsan Ciise. Laakiin fiiriya waxa aad sameyseen! Waxaad dadka wax ku barayseen Yeruusaalem meel walboo ka mid ah, waxaadna isku dayeysaan inaad dilkiisa nagu eedeysaan.”
29Butros iyo rasuulladii ayaa ku jawaabay, “Dad ma adeecnee Illaahey ayaan adeecnaa. 30Waxaad disheen Ciise idinka oo ku qodbay iskutallaabta, laakiin Illaahii ey awoowayaasheen caabudi jireen ayaa soo sarakiciyay. 31Wuxuuna nooga dhigay hogaamiye iyo badbaadiye. Kadibna Illaahey wuxuu fariisiyay dhiniciisa midig, si uu reer binu Israa’iil toobadkeen iyo dembidhaaf u siiyo. 32Marqaati ayaan ka nahay waxan oo dhan, waxaa kale oo marqaati ka ah Ruuxa Quduuska ah oo uu Illaahey siiyo qof walboo isaga aqbala.”
33Markey odayaashii maqleen hadalkaas, aad ayey u xanaaqeen waxeyna rabeen iney rasuullada dilaan. 34Laakiin Farrisi lagu magacaabi jiray Gamalii’eel, ahaana macalin aad loo qadarin jiray ayaa meeshii ka dhex istaagay oo amray in rasuullada wax yar banaanka loo bixiyo. 35Kadibna wuxuu odayaashii ku yiri, “Nimankiinan reer binu Israa’iilow, ka taxadara waxaad nimankan la damacsan tihiin inaad ku sameysaan. 36Waayo muddo yar ayaa laga joogaa markii uu Tudas sheegtay inuu yahay nin muhiim ah, waxaana raacay ku dhawaad afar boqol oo nin. Laakiin markii la dilay kuwii raacsanaa wey kala firdhismeen, warkiisina meeshaas ayuu ku dhamaaday. 37Tudas kadib markii dadka la tirakoobayay, waxaa yimid Yuudas kii reer Galili. Waxaa raacay dad badan, laakiin markii la dilay dadkiisi wey kala yaaceen. 38Haddaba waxaan idinku waaninayaa inaad nimankan faraha ka qaadaan! Iska dhaafa! Haddii waxey sameynayaan uu yahay wax binu aadan ka yimid wuu baabi’i doonaa. 39Laakiin haddii uu Illaahey ka yimid, ma awoodi doontaan inaad joojisaan, inaad rabtaan inaad Illaahey la dagaashaan maahee.”
40Odayaashii wey aqbaleen arintii uu Gamalii’eel soo jeediyay, waxey dib rasuulladii ugu soo celiyeen qolkii shirka. Kadib waxey amreen in la garaaco weyna fasaxeen iyagoo uga digay iney ku hadlaan wax ku saabsan magaca Ciise.
41Rasuulladii iyagoo faraxsan ayey meeshii ka tageen, maxaa yeelay Illaahey wuxuu iyaga ka dhigay kuwa istaahila in magaca Ciise dartiis loo silciyo. 42Maalin walba haddii ey macbadka joogaan iyo hadday marba guri joogaanba ma eysan joojin iney dadka wax baraan una sheegaan warka wanaagsan kaasoo ah inuu Ciise yahay Masiixa.
ಪ್ರಸ್ತುತ ಆಯ್ಕೆ ಮಾಡಲಾಗಿದೆ:
Falimaha 5: EI
ಹೈಲೈಟ್ ಮಾಡಿ
ಹಂಚಿಕೊಳ್ಳಿ
ತಾಳೆಮಾಡಿ
ಕಾಪಿ
ನಿಮ್ಮ ಎಲ್ಲಾ ಸಾಧನಗಳಲ್ಲಿ ನಿಮ್ಮ ಮುಖ್ಯಾಂಶಗಳನ್ನು ಉಳಿಸಲು ಬಯಸುವಿರಾ? ಸೈನ್ ಅಪ್ ಮಾಡಿ ಅಥವಾ ಸೈನ್ ಇನ್ ಮಾಡಿ
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.