Markos 15

15
Ciise oo la hor keenay Bilaatos
1Gudoomiyayaashii wadaaddada, odayaashii, macalimiintii sharciga Muuse iyo kuwii shirka ku jiray oo dhan ayaa go’aan gaareen aroortii. Markaas ayey Ciise xireen oo kaxeeyeen waxeyna u dhiibeen Bilaatos.
2Markaas ayaa Bilaatos weydiiyay Ciise, “Ma waxaad tahay boqorka Yuhuudda?”
Ciise ayaa ugu jawaabay, “Adiga ayaa yiri.”
3Gudoomiyayaashii wadaaddada waxyaalo badan ayey Ciise kusoo eedeeyeen. 4Markaas ayaa mar labaad Bilaatos Ciise weydiiyay oo ku yiri, “Ma ka jawaabeysid miyaa? Ma u jeedid miyaa waxyaalahan lagugu dacweeyay oo dhan.”
5Laakiin Ciise uma jawaabin, Bilaatosna aad ayuu ula yaabay.
6Haddaba maalinta Dabaaldaga Iidda kormaridda taliyaha caadadiisu waxey ahayd inuu dadka usii daayo maxbuus oo ey dadku doorteen. 7Waqtigaas waxaa jiray nin la yiraahdo Baraabbas oo maxbuus ahaa laguna soo dacweeyay inuu dil geystay waqtigii rabshada. 8Dadkii badnaa ayaa u yimid Bilaatos oo weydiistay, inuu sameeyo sidii caadadiisu ahayd oo usii daayo maxbuus.
9Markaas ayaa Bilaatos weydiiyay, “Ma waxaad dooneysaan inaan idiin soo daayo boqorka Yuhuudda?” 10Bilaatosna wuu ogaa in sababta ey gudoomiyayaasha wadaaddada Ciise isaga ugu keeneen iney tahay maseyr dartiis. 11Laakiin gudoomiyayaashii wadaaddada waxey dadkii badnaa u sheegeen iney Bilaatos weydiistaan inuu u soo daayo Baraabbas.
12Markaas ayaa Bilaatos iyaga ku yiri, “Balse maxaan ku sameeyaa kan aad dhahdaan waa boqorka Yuhuudda?”
13Wey qayliyeen oo waxey yiraahdeen, “Ha la qodbo!”
14Bilaatos ayaa weydiiyay, “Sabab, waa maxey dembiga uu galay?”
Laakiin waxey aad ugu sii qayliyeen, “Ha la qodbo!”
15Bilaatos oo dadkii ka farxin rabey ayaa Baraabbas iyaga u soo daayay. Wuxuuna amray iney Ciise garaacaan oo ey iskutallaabta ku qodbaan.
Askartii oo ku jeesjeeseen Ciise
16Askartiina waxey Ciise u kaxeeyeen xaruunta gudoomiyaha, waxeyna iskugu yeereen askartii kale oo dhan. 17Waxey u geliyeen dhar guduudan, madaxiisana waxey saareen taaj qodax laga sameeyay. 18Markaas ayey bilaabeen iney ku jeesjeesaan iyagoo dhahaya, “Boqorka Yuhuuddu ha noolaado!” 19Ul ayey madaxa uga garaaceen. Candhuufna wey ku tufeen iyagoo u jilba dhiganaya oo iska dhigaya iney caabudayaan. 20Markey ku jeesjeeseen kadib waxey ka siibeen dharkii guduudnaa waxeyna u geliyeen dharkiisi. Kadibna waxey u kaxeeyeen iney iskutallaabta ku qodbaan.
Ciise iskutallaabta ayaa lagu qodbay
21Simoon oo reer Sayriin ah ayaa ag marayay isaga oo beertiisa ka yimid, waxeyna ku qasbeen inuu iskutallaabta qaado. Simoon wuxuu aabe u ahaa Aleksanderos iyo Rufus. 22Waxey Ciise keeneen meel la yiraahdo Golgota (taas oo macnaheedu yahay, “Meeshii lafta madaxa”). 23Kadib waxey siiyeen khamri lagu daray malmal laakiin ma uusan cabin. 24Ciise waxaa lagu qodbay iskutallaabta, dharkiisina intey kala qeybsadeen ayey qori tuur ku sameeyeen mid kasta qeybtii uu qaadan lahaa.
25Markey iskutallaabta ku qodbeen waxey ahayd saddex saac oo subaxnima. 26Qoraal tusaya eeddii lagu qodbay ayey ku qoreen iskutallaabtii. Waxaana ku qornaa,
“Boqorka Yuhuudda.”
27Waxaa lala qodbay laba dembiile, mid wuxuu ka jiray dhinaca midig midka kalana dhinaca bidix. [28Waxaa dhaboobay qoraalka dhahaya, “Waxaa lagu dacweeyay inuu dembi galay.”]#15:28 Qoraallada qaar ma laha aayadda 28. 29Dadkii meesha marayay oo dhan waxyaalo xun ayey Ciise ka sheegeen. Madaxooda ayeyna ruxayeen waxeyna ku qaylinayeen, “Haddaba adiga ayaa sheegtay inaad burburin doonto macbadka kadibna aad ku dhisi doonto saddex maalmood gudahood. 30Iskutallaabta kasoo deg oo is badbaadi!” 31Sidoo kalana gudoomiyayaasha wadaaddada iyo macalimiinta sharciga Muuse ayaa ku jeesjeeseen Ciise oo waxey isku yiraahdeen, “Wuxuu badbaadiyay dad kale laakiin naftiisa ma badbaadin karo! 32Haddaba hadduu yahay Masiixa, boqorka Israa’iil, ha kasoo dego iskutallaabta markaan aragnana waan aamineynaa.” Kuwii iskutallaabta kula qodbanaa ayaa sidoo kale waxyaalo xun ku yiri Ciise.
Dhimashadii Ciise
33Duhurkii markii la joogay mugdi ayaa qariyay dhulka oo dhan illaa saddexdii duhurnimo. 34Markii sagaal saac oo galabnimo la joogay ayaa Ciise cod dheer ku yiri, “Eloy, Eloy, lama sabakhtani?” (Taas oo macnaheedu yahay, “Illaaheyow, Illaaheyow, maxaad ii deyrisay?”)
35Markii qaar ka mid ah kuwii agtaagnaa maqleen hadalkaas, waxey yiraahdeen, “Dhageysta wuxuu u yeeranayaa Eliyaas.”
36Midkood ayaa orday oo suuf ku dhex riday khamro dhanaan, kadibna ul ku muday Ciisana u dhiibay si uu bishimaha ugu qoysto. Isaga oo dhahaya, “Iska dhaaf aan aragnee in Eliyaas yimaado oo halkaas kasoo dejiyo.”
37Ciise wuu qayliyay kadibna wuu dhintay.
38Daahii macbadkana laba meel ayuu u kala jeexmay kor ayuu kasoo bilowday illaa hoos. 39Boqol u taliyihii Ciise hor taagnaa ayaa markii uu arkay inuu dhintay yiri, “Xaqiiqdii ninkan wuxuu ahaa Wiilka Illaahey!”
40Dumar ayaa meel xoogaa u jirtay ka fiirsanayay waxaana ka mid ahaa Maryantii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub yare iyo Yuusuf iyo Saloome hooyadood. 41Maalmihii uu Ciise Galili joogay ayey dumarkan u adeegi jireen. Qaar kale oo Yeruusaalem u soo raacayna halkaas ayey joogeen.
Duugtii Ciise
42Haddaba waxaa la joogay maalintii Sabtida ka horeysa, Yuhuudduna wey is diyaarinayeen. 43Nin la yiraahdo Yuusuf oo reer Arimataya ah ayaa Bilaatos weydiistay jirka Ciise. Yuusuf wuxuu ahaa nin aad loo xushmeeyo wuxuuna ka mid ahaa taliyayaashii shirka Yuhuudda, wuxuuna sugayay boqortooyada Illaahey ee soo socoto. 44Bilaatos wuu yaabay markii uu maqlay in Ciise dhintay. Wuxuu u yeeray boqol u taliyihii si uu u weydiiyo in Ciise dhintay. 45Markii uu boqol u taliyihii u sheegay iney run tahay ayuu Bilaatos u fasaxay Yuusuf inuu jirka qaato. 46Yuusufna wuxuu iibsaday maro karfan ah, jirkii Ciise ayuu kasoo dejiyay iskutallaabta. Maradii ayuu ku duuduubay oo wuxuuna geliyay xabaal laga sameeyay dhagaxyo, albaabkiina wuxuu ka saaray dhagax weyn. 47Maryantii reer Magdala iyo Maryantii kale ee Yuusuf hooyadiis ahayd ayaa arkeen halka Ciise lagu duugay.

Valið núna:

Markos 15: EI

Áherslumerki

Deildu

Afrita

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in