1
Luukos 10:19
Ereyga Illaahey Axdiga Cusub
EI
Bal fiiriya, waxaan idin siiyay awood ka sareysa xoogga cadowgiina, waxaad dhex soconeysaan masas iyo dibqalloocyo midna wax idin ma yeeli doono.
Bera saman
Njòttu Luukos 10:19
2
Luukos 10:41-42
Rabbiguna wuxuu ugu jawaabay, “Maartay, Maartay, waxyaala badan ayaad ka welwelsan tahay, laakiin hal wax kaliya ayaa loo baahanyahay inaad ka welweshid. Maryanna waxey dooratay waxa u roon oo aan weligeedna laga qaadeynin.”
Njòttu Luukos 10:41-42
3
Luukos 10:27
Ninkii wuxuu ku jawaabay, “ ‘Waa inaad Rabbiga Illaahaaga ah ka jeclaataa naftaada iyo qalbigaaga, xooggaaga iyo caqligaaga oo dhan,’ iyo, ‘Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida aad adigu isku jeceshahay.’ ”
Njòttu Luukos 10:27
4
Luukos 10:2
Wuxuuna ku yiri, “Waxa beerta kasoo go’aya wey badan yihiin laakiin shaqaaluhu wey yar yihiin. Haddaba Sayidka beergoyska weydiista inuu shaqaale badan beertiisa u soo diro.
Njòttu Luukos 10:2
5
Luukos 10:36-37
Markaas ayaa Ciise ku yiri, “Saddexdaas kee ayaad u maleynaysaa inuu ninkaas ey tuugadu weerartay deris u yahay?” Ninkii sharciga garanayay ayaa u jawaabay oo ku yiri, “Kii ninka naxariista tusay.” Markaas ayaa Ciise ninkii ku yiri, “Bax oo adigana sidoo kale samee.”
Njòttu Luukos 10:36-37
6
Luukos 10:3
Haddaba taga! Waxaan idiin dirayaa sidii ido yeey ku dhex nool.
Njòttu Luukos 10:3
Heim
Biblía
Áætlanir
Myndbönd