1
MARKOS 8:35
KITAABKA QUDUUSKA AH
SOMBIBLE
Kan doonaya inuu naftiisa badbaadiyo, waa lumin doonaa, laakiin kan naftiisa u lumiya aawaday iyo injiilka aawadii, kaasaa badbaadin doona.
ႏွိုင္းယွဥ္
MARKOS 8:35ရွာေဖြေလ့လာလိုက္ပါ။
2
MARKOS 8:36
Waayo, nin maxay u taraysaa hadduu dunida oo dhan helo oo uu naftiisa lumiyo?
MARKOS 8:36ရွာေဖြေလ့လာလိုက္ပါ။
3
MARKOS 8:34
Goortaasuu dadkii badnaa u yeedhay iyo xertiisiiba oo wuxuu ku yidhi, Mid uun hadduu doonayo inuu iga daba yimaado, ha dayriyo doonistiisa, iskutallaabtiisana ha soo qaato oo ha i soo raaco.
MARKOS 8:34ရွာေဖြေလ့လာလိုက္ပါ။
4
MARKOS 8:37-38
Nin muxuu u bixiyaa naftiisa beddelkeeda? Haddaba ku alla kii qarnigan dembiga iyo sinada leh kaga xishooda aniga iyo hadalkaygaba, Wiilka Aadanaha ayaa ka xishoon doona isaga markuu ammaantii Aabbihiis kula yimaado malaa'igaha quduuska ah.
MARKOS 8:37-38ရွာေဖြေလ့လာလိုက္ပါ။
5
MARKOS 8:29
Markaasuu weyddiiyey, oo wuxuu ku yidhi, Idinkuse yaad igu sheegtaan? Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Waxaad tahay Masiixa.
MARKOS 8:29ရွာေဖြေလ့လာလိုက္ပါ။
ပင္မစာမ်က္ႏွာ
သမၼာက်မ္းစာ
အစီအစဥ္မ်ား
ဗီဒီယိုမ်ား