1
MATAYOS 16:24
KITAABKA QUDUUSKA AH
SOMBIBLE
Markaasaa Ciise wuxuu xertiisii ku yidhi, Mid uun hadduu doonayo inuu iga daba yimaado, ha dayriyo doonistiisa, iskutallaabtiisana ha soo qaato oo ha i soo raaco.
ႏွိုင္းယွဥ္
MATAYOS 16:24ရွာေဖြေလ့လာလိုက္ပါ။
2
MATAYOS 16:18
Anigu waxaan kugu leeyahay, Butros baad tahay, oo dhagaxan ayaan ka dul dhisan doonaa kiniisaddayda, oo albaabbadii Haadees kama adkaan doonaan.
MATAYOS 16:18ရွာေဖြေလ့လာလိုက္ပါ။
3
MATAYOS 16:19
Waxaan ku siin doonaa furayaasha boqortooyada jannada, oo wax alla wixii aad dhulka ku xidho ayaa jannada ku xidhnaan doona, oo wax alla wixii aad dhulka ku furto ayaa jannada ku furnaan doona.
MATAYOS 16:19ရွာေဖြေလ့လာလိုက္ပါ။
4
MATAYOS 16:25
Kan doonaya inuu naftiisa badbaadiyo, waa lumin doonaa, oo kan naftiisa u lumiya aawaday wuu heli doonaa.
MATAYOS 16:25ရွာေဖြေလ့လာလိုက္ပါ။
5
MATAYOS 16:26
Waayo, nin maxay u taraysaa hadduu dunida oo dhan helo oo uu naftiisa lumiyo? Ama nin muxuu u bixiyaa naftiisa beddelkeeda?
MATAYOS 16:26ရွာေဖြေလ့လာလိုက္ပါ။
6
MATAYOS 16:15-16
Markaasuu wuxuu ku yidhi, Idinkuse yaad igu sheegtaan? Simoon Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Waxaad tahay Masiixa ah Wiilka Ilaaha nool.
MATAYOS 16:15-16ရွာေဖြေလ့လာလိုက္ပါ။
7
MATAYOS 16:17
Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Waad barakaysan tahay Simoon ina Yoonis, waayo, bini-aadmi tan kuuma muujin, laakiin Aabbahayga jannada ku jira ayaa kuu muujiyey.
MATAYOS 16:17ရွာေဖြေလ့လာလိုက္ပါ။
ပင္မစာမ်က္ႏွာ
သမၼာက်မ္းစာ
အစီအစဥ္မ်ား
ဗီဒီယိုမ်ား