Waayo, in kastoo berduhu uusan ubxin,
Ama aan midho ku oollin geedaha canabka ah,
Oo hawsha saytuunka lagu khasaaro,
Ama aan beeraha quud ka bixin,
Oo adhigu xerada ka baabbo'o,
Oo golahana aan xoolo lagu arag,
Haddana Rabbiga waan ku rayrayn doonaa,
Oo Ilaaha badbaadadayda ah waan ku farxi doonaa.