1
ROOMA 7:25
KITAABKA QUDUUSKA AH
SOMBIBLE
Waxaan Ilaah ugu mahad naqayaa inuu Rabbigeen Ciise Masiix igu furan doono. Sidaas daraaddeed aniga qudhaydu waxaan maankayga ugu adeegaa sharciga Ilaah; laakiinse waxaan jidhka ugu adeegaa qaynuunka dembiga.
Összehasonlít
Fedezd fel: ROOMA 7:25
2
ROOMA 7:18
Waayo, waan ogahay inaan wax wanaagsanu igu dhex jirin, taas waxaan ula jeedaa, jidhkayga wax wanaagsanu kuma jiraan, waayo, waan ku talo jiraa inaan waxa wanaagsan sameeyo, laakiin ma sameeyo.
Fedezd fel: ROOMA 7:18
3
ROOMA 7:19
Waayo, waxa wanaagsan oo aan doonayo inaan falo, ma sameeyo, laakiinse waxa sharka ah oo aanan doonayn inaan falo, ayaan sameeyaa.
Fedezd fel: ROOMA 7:19
4
ROOMA 7:20
Laakiin haddaan sameeyo wixii aanan doonayn inaan falo, de haatan ma aha aniga kan sameeyaa, laakiinse waa dembiga igu dhex jira.
Fedezd fel: ROOMA 7:20
5
ROOMA 7:21-22
Haddee waxaan arkaa qaynuunka in shar ila jiro in kastoo aan doonayo inaan waxa wanaagsan sameeyo. Waayo, sharciga Ilaah ayaan kaga farxaa ninka gudaha ah.
Fedezd fel: ROOMA 7:21-22
6
ROOMA 7:16
Laakiin haddaan sameeyo waxa aanan doonayn, de markaas waxaan gartay in sharcigu wanaagsan yahay.
Fedezd fel: ROOMA 7:16