YouVersion Logo
Search Icon

MUUJINTII 7

7
Waxaa La Shaabadeeyey Boqol Iyo Afar Iyo Afartankii Kun Oo Qof
1Taas dabadeed waxaan arkay afar malaa'igood oo taagan afarta gees oo dhulka, oo xajinaya afarta dabaylood, si aan dabaylu ugu dhicin dhulka ama badda ama dhirta. 2Oo waxaan arkay malaa'ig kale oo ka soo baxaysa qorrax ka soo baxa oo haysata shaabadda Ilaaha nool; oo cod weyn bay ugu dhawaaqday afartii malaa'igood oo amarka lagu siiyey inay wax yeelaan dhulka iyo badda, oo waxay ku tidhi, 3Waxba ha yeelina dhulka iyo badda iyo dhirta toona, jeer aannu addoommada Ilaahayaga wejiga ka shaabadayno. 4Oo waxaan maqlay intoodii la shaabadeeyey tiradoodii, waxayna ahaayeen boqol iyo afar iyo afartan kun oo intaasaa laga shaabadeeyey qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan.
5Qabiilka reer Yahuudah waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
Qabiilka reer Ruubeenna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
Qabiilka reer Gaadna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
6Qabiilka reer Aasheerna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
Qabiilka reer Naftaalina waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
Qabiilka reer Manasehna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
7Qabiilka reer Simecoonna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
Qabiilka reer Laawina waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
Qabiilka reer Isaakaarna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
8Qabiilka reer Sebulunna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
Qabiilka reer Yuusufna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
Qabiilka reer Benyaamiinna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun.
Riyadii Lagu Arkay Kuwii Rabbigu Soo Madaxfurtay
9Oo bal eeg, waxyaalahaas ka dib waxaan arkay dad faro badan, oo aan ninna tirin karin, oo lagala soo baxay quruun kasta, iyo qabiil kasta, iyo dad kasta, iyo af kasta, oo taagan carshiga hortiisa iyo Wanka hortiisa, iyagoo qaba khamiisyo cadcad, gacmahana ku haysta caleemo timireed. 10Oo iyana waxay ku dhawaaqeen cod weyn, iyagoo leh, Badbaado waxaa leh Ilaahayaga carshiga ku fadhiya iyo Wanka. 11Oo malaa'igihii oo dhammuna waxay taagnaayeen carshiga hareerihiisa iyo odayaashii iyo afartii xayawaan hareerahooda; oo carshiga hortiisii ayay ku dhaceen oo intay wejigooda dhulka saareen ayay Ilaah caabudeen, 12iyagoo leh, Aamiin; Ilaahayagu weligiis iyo weligiis ha lahaado barako, iyo ammaan, iyo xigmad, iyo mahad, iyo ciso, iyo xoog, iyo itaal. Aamiin.
13Oo odayaashii midkood baa jawaabay oo wuxuu igu yidhi, Kuwan khamiisyada cadcad qabaa yay yihiin, xaggee bayse ka yimaadeen? 14Oo waxaan ku idhi, Sayidkaygiiyow, waad taqaan. Markaasuu wuxuu igu yidhi, Kuwanu waa kuwii ka soo baxay dhibaatadii weynayd, oo waxay khamiisyadoodii ku maydheen oo ku caddeeyeen dhiiggii Wanka. 15Sidaas daraaddeed waxay joogaan carshiga Ilaah hortiisa; oo waxay isaga ugu adeegaan macbudkiisa habeen iyo maalinba; oo kan carshiga ku fadhiyaana wuxuu dushooda ka dhisan doonaa taambuuggiisa. 16Oo iyana mar dambe ma ay gaajoon doonaan, mana ay harraadi doonaan mar dambe, qorraxda iyo kulaylkuna kuma ay dhici doonaan; 17waayo, Wanka carshiga badhtankiisa jooga ayaa wuxuu ahaan doonaa adhijirkooda, oo wuxuu iyaga u hoggaamin doonaa ilaha biyaha nolosha; oo Ilaahna indhahooda ilmo kastuu ka tirtiri doonaa.

Currently Selected:

MUUJINTII 7: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy