YouVersion Logo
Search Icon

SABUURRADII 129

129
Gabayga meelokoridda.
1Tan iyo yaraantaydii marar badan bay i dhibeen,
Reer binu Israa'iil hadda ha yidhaahdeen,
2Tan iyo yaraantaydii marar badan bay i dhibeen,
Laakiinse igama ay adkaan.
3Kuwa beerta jeexa ayaa dhabarkayga jeexay,
Oo jeexjeexoodiina way dheereeyeen.
4Rabbigu waa xaq,
Oo isagu wuxuu kala gooyay xadhkihii kuwa sharka leh.
5Inta Siyoon neceb oo dhammu,
Ha ceeboobeen oo dib ha u noqdeen.
6Ha noqdeen sida cawska guryaha korkooda ka baxa
Oo engega intaanu korin,
7Oo aan beergooyuhu gacantiisa ka buuxin,
Kan xidhmooyinka xidhaana aanu laabtiisa ka buuxin.
8Oo kuwa ag maraana ma yidhaahdaan,
Barakadii Rabbigu korkiinna ha ahaato.
Waxaan idiinku ducaynaynaa magaca Rabbiga.

Currently Selected:

SABUURRADII 129: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy