YouVersion Logo
Search Icon

SABUURRADII 120

120
Gabayga meelokoridda.
1Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday,
Oo isna wuu ii jawaabay.
2Rabbiyow, naftayda ka samatabbixi bushimo been sheega,
Iyo carrab khiyaano badan.
3Carrabka khiyaanada badanow, bal maxaa lagu siin doonaa?
Oo maxaa kaloo laguu samayn doonaa?
4Adoo ah sida ku xoog badan oo fallaadhihiisa afaysan,
Kuwaas oo wata dhuxulo geed rotem la yidhaahdo.
5Anaa hoogay, waayo, Mesheg baan qariib ku noqday,
Oo waxaan dhex degay teendhooyinkii Qedaar!
6Naftaydu waxay wakhti dheer la degganayd
Mid nabadda neceb.
7Waxaan ahay mid nabad jecel,
Laakiinse kolkii aan hadlo, iyagu waa kuwa dagaal jecel.

Currently Selected:

SABUURRADII 120: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy