YouVersion Logo
Search Icon

SABUURRADII 112

112
1Rabbiga ammaana.
Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga ka cabsada,
Oo aad ugu farxa amarradiisa.
2Farcankiisu wuxuu ku xoog badnaan doonaa dhulka,
Kuwa qumman farcankooduna wuu barakoobi doonaa.
3Gurigiisa waxaa ku jira maal iyo taajirnimo,
Xaqnimadiisuna weligeedba way sii waartaa.
4Kuwa qumman iftiin baa gudcurka uga soo baxa,
Isagu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad, waana xaq.
5Waxaa nimcaysan ninkii naxariis leh oo dadka wax amaahiya,
Kaasu danihiisuu ku wadi doonaa caddaalad.
6Waayo, isaga weligiis lama dhaqaajin doono,
Oo kii xaq ah weligiisba waa la xusuusan doonaa.
7Isagu innaba kama cabsan doono war xun,
Qalbigaa u fadhiya, oo wuxuu isku halleeyaa Rabbiga.
8Qalbigaa u fadhiya, oo ma uu cabsan doono,
Ilaa uu wuxuu doonayay ku arko cadaawayaashiisa.
9Wax buu kala qaybshay, oo wuxuu wax siiyey kuwii baahnaa,
Xaqnimadiisuna way sii waartaa weligeedba,
Geeskiisana waxaa lagu sarraysiin doonaa sharaf.
10Kii shar lahu wuu arki doonaa, wuuna cadhoon doonaa,
Wuu ilko jirriqsan doonaa, oo wuu dhalaali doonaa,
Kuwa sharka leh doonistoodu way baabbi'i doontaa.

Currently Selected:

SABUURRADII 112: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy