YouVersion Logo
Search Icon

SABUURRADII 100

100
Kanu waa sabuur mahadnaqid ah.
1Inta dhulka deggan oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya.
2Rabbiga farxad ugu adeega,
Oo hortiisa gabay la kaalaya.
3Ogaada in Rabbigu Ilaah yahay,
Waxaa ina sameeyey isaga, oo waxaynu nahay kuwiisii,
Waxaynu nahay dadkiisii iyo idihii daaqsintiisa.
4Irdihiisa mahadnaqid la gala,
Barxadihiisana ammaan.
Isaga u mahadnaqa, oo magiciisa ammaana.
5Waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, naxariistiisuna weligeed way sii waartaa,
Aaminnimadiisuna tan iyo ka ab ka ab.

Currently Selected:

SABUURRADII 100: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy