YouVersion Logo
Search Icon

MATAYOS 25

25
Masaalka Ku Saabsan Tobankii Gabdhood
1Haddaba boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiin doonaa toban gabdhood oo bikrado ah, kuwa intay laambadahooda qaateen, u baxay inay ninka arooska ah ka hor tagaan. 2Shantood waxay ahaayeen doqonno, shanna caqli bay lahaayeen. 3Kuwii doqonnada ahaa laambadahoodii bay qaateen, laakiin saliid ma ay qaadan. 4Kuwa caqliga lahaase laambadahoodii bay qaateen iyo weelal saliidu ku jirto. 5Laakiin ninkii arooska ahaa waa raagay, taas daraaddeed ayay wada lulmoodeen oo seexdeen. 6Habeenbadhkiise qaylo ayaa yeedhay, Arooskii waa soo socdaaye, soo baxa oo ka hor taga. 7Markaasaa bikradihii oo dhammu wada kaceen oo laambadahoodii hagaajiyeen. 8Kuwii doqonnada ahaa waxay kuwii caqliga lahaa ku yidhaahdeen, Saliiddiinna wax naga siiya, waayo, laambadahayagii waa demayaan. 9Laakiin kuwii caqliga lahaa ayaa u jawaabay oo waxay ku yidhaahdeen, Maya, waaba intaas oo ay nagu filnaan waydaa annaga iyo idinka; bal u taga kuwa iibiya oo ka soo iibsada. 10Markay tageen inay soo iibsadaan, ninkii arooska ahaa ayaa yimid, oo kuwii diyaarka ahaa ayaa la galay guriga arooska, albaabkiina waa la xidhay. 11Dabadeedna waxaa yimid bikradihii kale, oo waxay yidhaahdeen, Sayidow, Sayidow, naga fur. 12Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Anigu idin garan maayo. 13Haddaba soo jeeda, waayo, garan maysaan maalinta ama saacadda.
Masaalka Ku Saabsan Talantiyaasha
14Maxaa yeelay, waa sidii nin dal kale tegaya, oo addoommadiisii u yeedhay oo xoolihiisii u dhiibay. 15Mid wuxuu siiyey shan talanti, midna wuxuu siiyey laba, midna wuxuu siiyey mid; mid kasta sidii tabartiisu ahayd, markaasuu dhoofay. 16Isla markiiba kii shantii talanti helay ayaa tegey oo ku baayacmushtaray, oo wuxuu faa'iiday shan talanti oo kale. 17Sidaas oo kale kii labada helayna, laba kale ayuu faa'iiday. 18Kii midka helayse, wuu baxay oo dhulka qoday oo lacagtii sayidkiisii ayuu ku qariyey. 19Wakhti dheer dabadeed sayidkii addoommadaas ayaa yimid oo ka xisaab qaatay. 20Kii shantii talanti helay ayaa yimid oo keenay shan talanti oo kale, oo wuxuu ku yidhi, Sayidow, waxaad ii dhiibtay shan talanti; eeg, shan talanti oo kale ayaan ka faa'iiday. 21Sayidkiisii ayaa ku yidhi, Si wanaagsan baad yeeshay, addoon yahow wanaagsan oo aaminka ahu. Wax yar ayaad aamin ku ahayd, wax badan baan madax kaaga dhigayaa. Farxadda sayidkaaga gal. 22Kii labadii talanti helayna waa yimid oo yidhi, Sayidow, waxaad ii dhiibtay laba talanti; eeg, laba talanti oo kale ayaan ka faa'iiday. 23Sayidkiisii ayaa ku yidhi, Si wanaagsan baad yeeshay, addoon yahow wanaagsan oo aaminka ahu. Wax yar ayaad aamin ku ahayd, wax badan baan madax kaaga dhigayaa. Farxadda sayidkaaga gal. 24Kii talantigii keliya helayna waa u yimid oo ku yidhi, Sayidow, waan ku garanayay inaad tahay nin qalbi engegan, oo aad wax ka guratid meel aanad wax ku beeran oo aad wax ka urursatid meel aanad wax ku firdhin. 25Waana baqay, oo intaan tegey ayaan talantigaagii dhulka ku qariyey. Bal eeg, waa kan kaagii. 26Markaasaa sayidkiisii u jawaabay oo ku yidhi, Addoon yahow sharka leh oo caajiska ahu, waad ogayd inaan wax ka gurto meel aanan wax ku beeran, oo aan wax ka urursado meel aanan wax ku firdhin. 27Haddaba waxaad lahayd inaad lacagtayda u dhiibto kuwa baangiga jooga, oo goortaan soo noqdo, waxayga iyo faa'iido ayaan qaadan lahaa. 28Haddaba talantigii ka qaada oo u dhiiba kan tobanka talanti haya. 29Waayo, mid walba oo wax haysta waa la siin doonaa, waana loo badin doonaa, kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa xataa wuxuu haysto. 30Oo addoonka aan waxtarka lahayn ku tuura gudcurka dibadda ah. Halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.
Maalinta Xisaabta
31Goortii Wiilka Aadanahu ammaantiisa ku yimaado, isaga iyo malaa'igaha oo dhan, markaasuu carshiga ammaantiisa ku fadhiisan doonaa. 32Quruumaha oo dhan ayaa hortiisa lagu soo ururin doonaa oo wuxuu u kala sooci doonaa mid mid sida adhijirku u kala sooco idaha iyo riyaha. 33Idaha wuxuu joojin doonaa midigtiisa, riyahana bidixdiisa. 34Markaasaa Boqorku kuwa midigtiisa jooga ku odhan doonaa, Kaalaya, kuwa Aabbahay barakeeyeyow, oo dhaxla boqortooyada tan iyo aasaaskii dunida laydiin diyaargareeyey. 35Waayo, waan gaajooday oo cuntaad i siiseen, waan harraadsanaa oo waad i waraabiseen, qariib baan ahaa oo waad i soo dhoweeyseen, 36waan qaawanaa oo dhar baad i huwiseen, waan bukay oo waad i soo booqateen, xabsi baan ku jiray oo waad ii timaadeen. 37Markaasaa kuwa xaqa ahu u jawaabi doonaan iyagoo leh, Sayidow, goormaannu ku aragnay adigoo gaajaysan oo aannu cunto ku siinnay, ama adigoo harraadsan oo aannu ku waraabinnay? 38Goormaannu ku aragnay adigoo qariib ah oo aannu ku soo dhowaynay ama adigoo qaawan oo aannu wax ku huwinnay? 39Goormaannu ku aragnay adigoo buka ama adigoo xabsi ku jira oo aannu kuu nimid? 40Markaasaa Boqorkii u jawaabi doonaa oo ku odhan doonaa, Runtii waxaan idinku leeyahay, In alla intaad u samayseen mid ka mid ah walaalahaygan u yaryar, waad ii samayseen.
41Markaasuu kuwa bidixdiisa jooga ku odhan doonaa, Kuwa yahow inkaaranu, iga taga oo gala dabka weligiis ah kan Ibliiska iyo malaa'igihiisa loo diyaargareeyey. 42Waayo, waan gaajooday, cuntona ima aydnaan siin, waan harraadsanaa, imana aydnaan waraabin. 43Qariib baan ahaa, imana aydnaan soo dhowayn, waan qaawanaa, dharna ima aydnaan huwin, waanan bukay oo xabsi ku jiray oo ima aydnaan soo booqan. 44Iyaguna markaasay u jawaabi doonaan oo ku odhan doonaan, Sayidow, goormaannu ku aragnay adigoo gaajaysan ama harraadsan ama qariib ah ama qaawan ama buka ama xabsi ku jira oo aannu ku kalmayn waynay? 45Markaasuu u jawaabi doonaa oo ku odhan doonaa, Runtii waxaan idinku leeyahay, In alla intaad u samayn weydeen mid ka mid ah kuwan u yaryar, anigana waad ii samayn weydeen. 46Kuwanuna waxay geli doonaan taqsiirta weligeed ah, kuwa xaqa ahuse waxay geli doonaan nolosha weligeed ah.

Currently Selected:

MATAYOS 25: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy