YouVersion Logo
Search Icon

MATAYOS 13

13
Masaalka Ku Saabsan Beerreyga
(Mar. 4:1-9; Luuk. 8:4-8)
1Maalintaas Ciise ayaa guriga ka baxay oo fadhiistay badda agteeda, 2oo waxaa u soo ururay dad faro badan, sidaa darteed doonni ayuu fuulay oo fadhiistay, dadkii badnaa oo dhammuna xeebtay taagnaayeen. 3Markaasuu wax badan masaallo ugu sheegay isagoo leh, Beerrey baa baxay inuu wax beero, 4oo intuu beerayay qaar baa jidka geestiisa ku dhacay. Kolkaasaa shimbirro yimaadeen oo cuneen. 5Qaar kalena waxay ku dhaceen dhul dhagax ah oo aan carro badan lahayn; kolkiiba way soo baxeen, waayo, carradu hoos uma dheerayn, 6laakiin qorraxdu goortay soo baxday way gubteen, waana engegeen, waayo, xidid ma lahayn. 7Qaar kalena waxay ku dhaceen qodxan, qodxantiina waa soo baxday oo ceejisay. 8Qaar kalena dhul wanaagsan bay ku dhaceen oo ay midho dhaleen, mid boqol, midna lixdan, midna soddon. 9Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo.
Sida Loo Isticmaalo Masaallada
(Mar. 4:10-12; Luuk. 8:9-10)
10Markaasaa xertii u timid oo ku tidhi, Maxaad masaallo ugula hadashaa? 11Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyada jannada garataan, kuwaase lama siiyo. 12Waayo, ku alla kii wax haysta waa la siin doonaa, waana loo badin doonaa, kii aan waxba haysanse, waa laga qaadi doonaa wuxuu haysto. 13Sidaa darteed ayaan masaallo ugula hadlaa, waayo, iyagoo arkaya ma arkaan, oo iyagoo maqlaya ma maqlaan, mana gartaan. 14Iyagay u noqotay waxsheegidda Isayos iyadoo leh,
Maqal baad ku maqli doontaan mana garan doontaan,
Idinkoo arkaya wax baad arki doontaan, idiinmana dhaadhici doonto.
15Waayo, dadkan qalbigoodu waa qallafsanaaday,
Oo dhib bay dhegahooda wax ugu maqlaan,
Indhahoodana way isku qabteen;
Si aanay indhaha wax ugu arkin,
Oo dhegaha wax ugu maqlin,
Oo qalbiga wax ugu garan,
Si aanay u soo noqon,
Oo aanan u bogsiin.
16Laakiin waxaa barakaysan indhihiinna, waayo, wax bay arkaan, iyo dhegihiinna, waayo, wax bay maqlaan. 17Runtii waxaan idinku leeyahay, Nebiyo badan iyo niman xaq ah ayaa doonay inay arkaan waxaad aragtaan, mana arkin, iyo inay maqlaan waxaad maqashaan, mana ay maqlin.
Micnaynta Masaalka Beerreyga
(Mar. 4:13-20; Luuk. 8:11-15)
18Haddaba maqla masaalkii beerreyga. 19Mid kasta oo hadalka boqortooyada maqla oo aan garan, waxaa u yimaada kan sharka leh oo ka dhifta wixii qalbigiisa lagu beeray. Waa kan kii jidka geestiisa lagu beeray. 20Oo kii meelaha dhagaxa ah lagu beeray waa kan hadalka maqla oo kolkiiba farxad ku qaata. 21Xididse isagu ma leh, laakiin wakhti yar buu sii jiraa, oo goortii dhib ama silec ugu dhaco erayga aawadiis, markiiba waa ka xumaadaa. 22Kii qodxanta lagu dhex beerayna waa kan hadalka maqla oo kawelwelidda dunidan iyo sasabidda maalka ayaa hadalka ceejiya, oo wuxuu noqdaa midhola'aan. 23Kii dhulka wanaagsan lagu beeray waa kan erayga maqla oo garta, oo isagu waa kan midho dhala, mid boqol, midna lixdan, midna soddon.
Masaalka Ku Saabsan Gocondhada
24Masaal kale ayuu u saaray, oo wuxuu yidhi, Boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiiyaa nin beertiisa abuur wanaagsan ku abuuray. 25Laakiin waxaa yimid cadowgiisa intii dadku hurday, oo wuxuu sarreenka kaga dhex abuuray gocondho, markaasuu tegey. 26Laakiin markii geedku soo baxay oo uu midho dhalay, markaasaa gocondhadii soo muuqatay. 27Kolkaasaa odayga reerka addoommadiisu u yimaadeen oo ku yidhaahdeen, Sayidow, miyaanad abuur wanaagsan beertaada ku abuurin? Xaggee haddaba gocondhadu uga timid? 28Wuxuu ku yidhi, Nin cadow ah ayaa waxan sameeyey. Addoommadii waxay ku yidhaahdeen, Ma waxaad doonaysaa haddaba inaannu tagno oo ururinno? 29Wuxuuse ku yidhi, Maya, waaba intaas oo goortaad gocondhada ururinaysaan aad sarreenka la rurujisaan. 30Labadoodu ha isla baxaan ilaa beergooyska, oo wakhtiga beergooyska waxaan kuwa gooya ku odhanayaa, Horta waxaad ururisaan gocondhadii, oo xidhmo xidhmo isugu xidha in la gubo, laakiin sarreenka ku soo ururiya maqsinkayga.
Masaalka Ku Saabsan Iniin Khardal Ah, Iyo Masaalka Ku Saabsan Khamiir
(Mar. 4:30-34; Luuk. 13:18-21)
31Masaal kale ayuu u saaray oo wuxuu yidhi, Boqortooyada jannada waxay u eg tahay iniin khardal, tan uu nin qaaday oo beertiisa ku beeray. 32Taas waa ka wada yar tahay iniinaha oo dhan, laakiin goortay weynaato, way ka weyn tahay dhalatada oo dhan, oo waxay noqotaa geed dheer si ay shimbirraha cirku u yimaadaan oo laamaheeda ugu degaan.
33Masaal kale ayuu kula hadlay, Boqortooyada jannada waxay u eg tahay khamiir, kan naagi intay qaadday ay saddex qiyaasood oo bur ah ku dhex qooshtay ilaa ay wada khamiireen.
34Waxan oo dhan ayaa Ciise masaallo kula hadlay dadkii badnaa, oo masaalla'aan kulama uu hadlin iyaga. 35Si ay u noqoto wixii nebiga lagaga dhex hadlay isagoo leh,
Afkayga waxaan ku furayaa masaallo,
Oo wax qarsoonna tan iyo aasaaskii dunida ayaan ku dhawaaqayaa.
Micnaynta Masaalka Gocondhada Ku Saabsan
36Markaasuu dadkii badnaa ka tegey oo guriga galay. Xertiisii ayaa u timid oo waxay ku yidhaahdeen, Noo caddee masaalkii gocondhadii beerta. 37Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Kii abuur wanaagsan abuuray waa Wiilka Aadanaha, 38beertuna waa dunida. Abuurka wanaagsanna waa wiilasha boqortooyada, gocondhadiina waa wiilasha kan sharka leh. 39Oo cadowga abuurayna waa Ibliiska, beergooyskuna waa dhammaadka wakhtigii dunida, kuwa gooyaana waa malaa'igo. 40Haddaba sidii gocondhadii loo ururiyey oo dab loogu gubay, sidaasay ahaan doontaa dhammaadka wakhtiga dunidu. 41Wiilka Aadanaha ayaa malaa'igihiisa diri doona, oo waxay boqortooyadiisa ka ururin doonaan wax kasta oo xumeeya iyo kuwa dembiga fala. 42Oo waxay ku tuuri doonaan foornada dabka, halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi. 43Markaasaa kuwa xaqa ah ku dhalaali doonaan boqortooyada Aabbahood sida qorraxdu u dhalaalayso. Kan dhego lahu ha maqlo.
Masaallada Ku Saabsan Maalka Iyo Luulka Iyo Shabagga
44Boqortooyada jannadu waxay u eg tahay maal beer ku qarsoon, kan nin intuu helay qarsaday, oo farxad aawadeed ayuu baxay, oo wuxuu lahaa oo dhan iibiyey, oo beertaas iibsaday.
45Haddana boqortooyada jannadu waxay u eg tahay baayacmushtari luul wanaagsan doonaya. 46Goortuu xabbad luul ah oo ganac weyn helay, ayuu baxay, oo wuxuu lahaa oo dhan ayuu iibiyey oo iibsaday.
47Haddana boqortooyada jannadu waxay u eg tahay shabag badda lagu tuuray oo cayn walba lagu ururiyey. 48Kan markuu buuxsamay ay nimanku xeebta ku soo jiideen, wayna fadhiisteen oo kuwii wanaagsanaa weelal bay ku ururiyeen, kuwii xumaana way tuureen. 49Sidaasay ahaan doontaa dhammaadka wakhtiga dunidu. Malaa'igahu way soo bixi doonaan oo waxay kuwa sharka leh ka dhex sooci doonaan kuwa xaqa ah, 50oo waxay ku tuuri doonaan foornada dabka. Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.
51Waxyaalahan oo dhan ma garateen? Waxay ku yidhaahdeen, Haah. 52Markaasuu wuxuu ku yidhi, Sidaa darteed mid kasta oo culimmada ka mid ah oo xer looga dhigay boqortooyada jannada, wuxuu u eg yahay nin reer odaygiis ah oo maalkiisa ka soo saara wax cusub iyo wax duug ah.
Ciise Waa Laga Celiyey Naasared
(Mar. 6:1-6; Luuk. 4:16-30)
53Kolkii Ciise masaalladan dhammeeyey, ayuu halkaas ka tegey. 54Oo markuu waddankiisa yimid, ayuu sunagoggooda wax ku baray, sidaa darteed way yaabeen oo yidhaahdeen, Ninkanu xaggee buu ka helay xigmaddan iyo shuqulladan xoogga leh? 55Kanu miyaanu ahayn wiilkii nijaarka? Miyaan hooyadiis la odhan Maryan? Walaalihiisna Yacquub iyo Yoosee iyo Simoon iyo Yuudas? 56Gabdhihii walaalihiis ahaana miyaanay inala wada joogin? Haddaba kanu xaggee buu waxyaalahan oo dhan ka helay? 57Wayna ka xumaadeen, laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Nebi murwad la' ma jiro, waddankiisa iyo gurigiisa dhexdooda maahee. 58Halkaas shuqullo badan oo xoog leh kuma samayn rumaysadla'aantooda aawadeed.

Currently Selected:

MATAYOS 13: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy