YouVersion Logo
Search Icon

LUUKOS 4

4
Shayddaan Baa Isku Dayay Inuu Ciise Duufsado
(Mat. 4:1-11; Mar. 1:12-13)
1Ciise waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, oo Webi Urdun ayuu ka noqday, oo Ruuxii baa cidlada u kaxeeyey. 2Afartan maalmood ayaa Ibliisku jirrabayay. Maalmahaasna waxba ma cunin. Goortay maalmihii dhammaadeen ayuu gaajooday. 3Markaasaa Ibliisku wuxuu ku yidhi, Haddaad tahay Wiilka Ilaah ku dheh dhagaxan, Kibis noqo. 4Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Waa qoran tahay, Dadku waa inaanu kibis oo keliya ku noolaan. 5Oo markuu kor u kaxeeyey wuxuu wakhti yar ku tusay quruumaha dunida oo dhan. 6Markaasaa Ibliisku wuxuu ku yidhi, Amarkan oo dhan waan ku siinayaa iyo ammaantoodaba, waayo, waa lay siiyey; oo kii aan doonayo ayaan siiyaa. 7Haddaba haddaad hortayda i caabuddid, kulli adaa lahaan doona. 8Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Waa qoran tahay, Waa inaad caabuddo Rabbiga Ilaahaaga ah oo waa inaad isagoo keliya u adeegto. 9Markaasuu Yeruusaalem geeyey, wuxuuna saaray munaaraddii macbudka oo ku yidhi, Haddaad tahay Wiilka Ilaah, halkan hoos iskaga tuur; 10waayo, waa qoran tahay,
Malaa'igihiisa ayuu ku amri doonaa inay ku ilaaliyaan, 11iyo,
Inay gacmahooda sare kuugu qabtaan inaanay cagtaadu dhagax ku dhicin.
12Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Waa la yidhi, Rabbiga Ilaahaaga ah waa inaanad jirrabin.
13Ibliiskiina markuu jirrabaad walba dhammeeyey ayuu ka tegey intii wakhti ah.
Bilowgii Wacdiga Ciise
(Mat. 4:12-17; Mar. 1:14-15)
14Markaasaa Ciise wuxuu xooggii Ruuxa kula noqday Galili, warkiisuna wuxuu gaadhay dhulka ku wareegsan oo dhan. 15Sunagogyadoodana ayuu wax ku baray, dhammaanna waa la wada ammaanay isaga.
Ciise Waa Laga Celiyey Naasared
(Mat. 13:53-58; Mar. 6:1-6)
16Markaasuu wuxuu yimid Naasared oo ahayd meeshuu ku koray, oo maalintii sabtida sida caadadiisu ahayd ayuu sunagogga galay, wuuna istaagay inuu wax akhriyo. 17Waxaa loo dhiibay kitaabkii Nebi Isayos, oo goortuu kitaabkii furay ayuu helay meeshii lagu qoray,
18Ruuxii Rabbiga ayaa i dul jooga,
Waayo, wuxuu ii subkay inaan war wanaagsan masaakiinta ku wacdiyo,
Wuxuuna ii soo diray inaan kuwa xidhan furriinnimada ogeysiiyo
Iyo kuwa indhaha la' soo celinta araggooda
Iyo inaan kuwa nabaraysan soo furfuro,
19Iyo inaan dadka ogeysiiyo sannadda qaabbilaadda ah ee Rabbiga.
20Intuu kitaabkii duudduubay ayuu midiidinka u dhiibay oo fadhiistay; oo dadkii sunagoggii ku jiray oo dhan ayaa indhaha ku taagay. 21Markaasuu bilaabay inuu ku yidhaahdo, Maanta Qorniinkan dhegihiinnu maqlay waa rumoobay. 22Kulligood markhaati bay ahaayeen, wayna ka yaabeen hadallada nimcada leh oo afkiisa ka soo baxay, markaasay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn wiilkii Yuusuf? 23Kolkaasuu ku yidhi, Shakila'aan waxaad masaalkan igu odhan doontaan, Dhakhtarow, isbogsii. Wax kastoo aannu maqalnay oo Kafarna'um lagu sameeyey, halkan dhulkaagana ku samee. 24Markaasuu ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Nebina dalkiisa laguma aqbalo. 25Laakiin runtii waxaan idinku leeyahay, Wakhtigii Eliyaas waxaa Israa'iil ku jiray carmallo badan oo nimankoodii ka dhinteen markii cirku saddex sannadood iyo lix bilood xidhmay oo abaar weyni dhulka oo dhan ka dhacday. 26Laakiin middoodna Eliyaas looma dirin, naag carmal ah oo magaalada Sarefta oo dalka Siidoon ku jirtay maahee. 27Wakhtigii Nebi Eliishaana waxaa Israa'iil ku jiray dad badan oo baras leh, midkoodna lama daahirin Nacamaan reer Suuriya maahee. 28Markii kuwii sunagogga ku jiray oo dhan waxaas maqleen ayay aad u cadhoodeen. 29Markaasay kaceen oo magaaladii ka saareen, waxayna u kaxeeyeen buurtii magaaladoodii ka dhisnayd qarkeedii inay ka tuuraan. 30Laakiin isagu intuu dhex maray ayuu iska tegey.
Jinnoolihii La Bogsiiyey
(Mar. 1:21-28)
31Wuxuuna u degay Kafarna'um oo magaalada Galili ah. Oo maalmihii sabtida ayuu dadka wax barayay. 32Waxbariddiisiina way la yaabeen, waayo, hadalkiisu amar buu lahaa. 33Waxaana sunagogga joogay nin jinni wasakh leh qaba. Cod weyn ayuu ku qayliyey, oo wuxuu yidhi, 34Na daa! Maxaa inoo dhexaya, Ciise reer Naasaredow? Ma waxaad u timid inaad na baabbi'iso? Anigu waa ku garanayaa kii aad tahay, Kan Quduuska ah ee Ilaah. 35Ciise baa canaantay oo ku yidhi, Aamus oo ka soo bax. Jinniguna goortuu ninkii dhexda ku tuuray ayuu ka soo baxay, waxbana ma uu yeelin. 36Yaab weyn ayaa ku wada dhacay; wayna isla wada hadleen oo yidhaahdeen, Waa maxay hadalkan? waayo, jinniyada wasakhda leh ayuu amar iyo xoog ku xukumaa, wayna ka baxaan. 37Meel kasta oo dalka ku wareegsan ayaa warka isaga ku saabsan gaadhay.
Ciise Wuxuu Bogsiiyey Simoon Soddohdiis Iyo Qaar Kale Oo Badan
(Mat. 8:14-17; Mar. 1:29-39)
38Markaasuu sunagoggi ka soo kacay, oo wuxuu galay gurigii Simoon. Simoon soddohdiisna qandho weyn ayay qabtay, markaasay isaga u baryeen aawadeed, 39oo intuu isa soo dul taagay ayuu qandhadii canaantay, wayna daysay. Kolkiiba way kacday oo u adeegtay iyagii.
40Markii qorraxdu sii dhacaysay, dadkii oo dhan oo lahaa dad cudurro kala cayncayn ah qabay ayay isaga u keeneen; mid kastaba gacmihiisuu saaray oo bogsiiyey. 41Jinniyona dad badan ayay ka soo baxeen, iyagoo qaylinaya oo leh, Adigu waxaad tahay Wiilka Ilaah. Isaguse waa canaantay oo uma oggolaanin inay hadlaan, waayo, waxay garanayeen inuu Masiixa yahay.
42Goortii ay maalintii noqotay, ayuu baxay oo meel cidla ah tegey; dadkii badnaana way doondooneen oo u yimaadeen. Wayna qabteen si aanu uga tegin. 43Laakiin wuxuu iyagii ku yidhi, Waa inaan magaalooyinka kalena injiilka boqortooyada Ilaah ku wacdiyo, waayo, sidaa darteeda waa la ii soo diray.
44Sunagogyada Galilina ayuu dadka ka dhex wacdiyi jiray.

Currently Selected:

LUUKOS 4: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy