YouVersion Logo
Search Icon

AYUUB 30

30
1Laakiinse haatan waxaa igu majaajilooda kuwa iga da' yar
Oo aan aabbayaashood quudhsan jiray inay xataa la fadhiistaan eeyaha adhigayga.
2Nimanka xooggoodu dhammaaday
Itaalka gacmahoodu muxuu ii tarayaa?
3Waxay la weydoobeen baahi iyo abaar,
Oo waxay u cararaan dhul engegan, kaasoo ah lamadegaan gudcur iyo cidlo ah.
4Waxay gurtaan geed cusbeed oo kaynta ku yaal,
Oo cuntadooduna waxa weeye geed rotem la yidhaahdo xididdadiisa.
5Iyaga dadka waa laga dhex eryaa,
Oo waxaa looga daba qayliyaa sida tuug looga daba qayliyo oo kale.
6Waa inay ku hoydaan haadaamaha dooxooyinka,
Iyo boholaha dhulka iyo dhagaxyada dhexdooda.
7Waxay ka qayliyaan kaynta dhexdeeda,
Oo waxay dhammaantood ku soo ururaan maraboob hoosteed.
8Iyagu waa nacasyo iyo ceebaalowyo carruurtood,
Oo dhulka waxaa lagaga saaray karbaash.
9Oo haatan gabay cay ah baan u noqday,
Oo halqabsi baan u ahay.
10Way i karahsadaan, oo meel fog bay iga istaagaan,
Oo inay candhuufo wejiga iiga tufaanna iskama ay qabtaan.
11Ilaah baa xadhiggaygii debciyey, wuuna i dhibay,
Oo taas aawadeed iyagu hortayda iskuma celiyaan.
12Xagga midigtayda waxaa ka kaca ciyaalasuuq,
Oo cagtaydana way iska riixaan,
Oo waxay igu hor tuuraan jidadkoodii halligaadda.
13Jidadkayga way halleeyaan,
Oo waxay soo deddejiyaan masiibadayda;
Oo mid caawiyaana ma jiro.
14Jabniin ballaadhan ayay ka soo dusaan,
Oo burburka dhexdiisa ayay igaga soo dhacaan.
15Waxaa igu soo jeesta cabsi weyn,
Oo sharaftayda waxaa loo kaxeeyaa sida dabayshu wax u kaxayso oo kale.
Barwaaqadaydiina waxay u dhammaatay sidii daruur oo kale.
16Haddaba naftaydaa igu dhex daadatay,
Oo waxaan la kulmay wakhti dhibaato badan.
17Habeenkii lafahaygaa i muda,
Oo xanuunka i cunayaana ima daayo innaba.
18Xoogga weyn oo cudurkayga daraaddiis ayaa dharkaygii ku xumaaday,
Oo wuxuu iigu cidhiidhisan yahay sidii jubbaddayda qoorteeda.
19Isagu wuxuu igu tuuray dhoobada dhexdeeda,
Oo waxaan noqday sidii boodh iyo dambas oo kale.
20Anigu waan kuu qayshadaa, adiguse iima aad jawaabtid,
Waan ku soo hor istaagaa, adiguse ima aad aragtid.
21Calooladeeg baad igula soo jeesatay,
Oo gacantaada itaalkeeda ayaad igu silcisaa.
22Kor baad iigu qaaddaa dabaysha,
Oo waxaad i fuushisaa dusheeda,
Oo haddana waxaad igu baabbi'isaa duufaanka.
23Waayo, waan ogahay inaad ii kaxaynaysid dhimasho,
Iyo guriga inta nool oo dhammu ku wada kulmayaan.
24Laakiinse ninkii hoos u dhacaya sow gacantiisa sooma fidiyo?
Markuu halligmayose sow ma qayshado?
25Oo ninka dhibaataysan anigu sow uma ooyi jirin?
Naftayduse sow masaakiinta uma murugoon jirin?
26Laakiinse markaan wanaagga filanayo waxaa ii iman jiray xumaanta,
Oo markaan nuurka sugana waxaa ii iman jiray gudcurka.
27Qalbigaygu welwel buu la kacsan yahay, mana nasto,
Oo waxaan la kulmay wakhti dhibaato badan.
28Anigoo barooranaya ayaan qorraxda la'aanteed socdaa,
Waxaan ka dhex istaagaa shirka, oo caawimaad waan u qayshadaa.
29Waxaan noqday walaalka dawacooyinka,
Iyo saaxiibka gorayada.
30Dubkaygu intuu gubto ayuu iska diirmaa,
Oo lafahayguna kulayl bay ku gubtaan.
31Sidaas daraaddeed kataaradaydii waxay u rogmatay baroorasho,
Oo biibiilahaygiina wuxuu u rogmaday kuwa ooya codkooda.

Currently Selected:

AYUUB 30: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy