YouVersion Logo
Search Icon

AYUUB 27

27
1Oo haddana Ayuub ayaa hadalkiisii sii waday, oo wuxuu yidhi,
2Waxaan ku dhaartay Ilaaha nool oo xaqayga iga qaaday,
Kaasoo ah Ilaaha Qaadirka ah oo naftayda dhibay;
3(Waayo, naftaydii weli waa igu jirtaa,
Oo ruuxii Ilaahna weli wuxuu ku jiraa sankayga labadiisa dul.)
4Hubaal bushimahaygu xaqdarro ku hadli maayaan,
Oo carrabkayguna khiyaano sheegi maayo.
5Ilaah ha iga fogeeyo inaan xaq idinka dhigo,
Jeeraan dhinto daacadnimadayda iska tuuri maayo.
6Xaqnimadayda waan xajisanayaa, oo iska sii dayn maayo,
Oo qalbigaygu i ceebayn maayo intaan noolahay oo dhan.
7Cadowgaygu sida sharrow ha noqdo,
Oo kii igu kacaana sida mid xaqdaran ha noqdo.
8In kastoo uu faa'iido helo, cibaadalaawaha rajadiisu waa maxay,
Markii Ilaah naftiisa qaado?
9Ilaah miyuu qayladiisa maqli doonaa,
Markii dhib ku yimaado?
10Miyuu Ilaaha Qaadirka ah ku farxi doonaa?
Oo miyuu goor kasta Ilaah baryi doonaa?
11Waxaan idin barayaa wax gacanta Ilaah ku saabsan,
Oo waxa Ilaaha Qaadirka ah la jirana idinka qarin maayo.
12Bal eega, idinku kulligiin waad aragteen,
Haddaba bal maxaad dhammaantiin nacasyo u wada noqoteen?
13Intanu waa qaybta uu Ilaah ninkii sharrow ah u kaydiyo,
Iyo dhaxalka kuwa dadka dulma ay Ilaaha Qaadirka ah ka helaan.
14Carruurtiisu hadday tarmaan, kolleyba waxaa dili doonta seef,
Oo carruurtiisuna cunto kama dhergi doonaan.
15Kuwii isaga ka hadhana dhimashaa xabaali doonta,
Oo carmalladiisuna uma ay barooran doonaan.
16In kastoo uu lacag u taalaysto sida ciidda oo kale,
Oo uu dharna u diyaarsado sida dhoobada oo kale,
17Isagaa diyaarin doona, laakiinse waxaa xidhan doona kan xaqa ah,
Oo lacagtana waxaa qaybsan doona kan aan xaqa qabin.
18Gurigiisa wuxuu u dhisaa sida buul caaro oo kale,
Iyo sida waab waardiye samaysto.
19Isagoo taajir ah ayuu seexdaa, laakiinse lama soo ururin doono,
Indhihiisuu kala qaadaa, oo waxba ma jiro.
20Naxdin baa isaga qarqin doonta sida biyo daad ah,
Oo habeenkiina waxaa isaga la tegi doona duufaan.
21Waxaa isaga kaxaysa dabaysha bari, oo isna wuu tagaa,
Oo meeshiisana way ka xaaqdaa.
22Waayo, Ilaah baa isaga wax ku tuuri doona, umana tudhi doono;
Oo sharrowgu wuxuu jeclaan lahaa inuu gacantiisa ka cararo.
23Dadku way ku sacbin doonaan isaga,
Oo meeshiisana foodhi bay kaga saari doonaan.

Currently Selected:

AYUUB 27: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy