YouVersion Logo
Search Icon

AYUUB 19

19
Ayuub
1Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu yidhi,
2War ilaa goormaad naftayda dhibaysaan
Oo aad erayo igu burburinaysaan?
3Toban jeer baad i caydeen,
Haddaba miyaydaan ka xishoonayn inaad saas oo xun iila macaamilootaan?
4Oo sida xaqiiqada ah haddaan qaldamay,
Qaladkaygu aniguu igu hadhayaa.
5Oo sida xaqiiqada ah haddaad iska kay weynaynaysaan,
Oo aad ceebtayda igu caddaysaan inaan dembi leeyahay,
6Haddaba bal ogaada in Ilaah i afgembiyey,
Oo uu shabagtiisii igu wareejiyey.
7Bal eega, dulunka daraaddiis waan u qayliyaa, laakiin lay maqli maayo,
Oo caawimaad waan u qayshadaana, caddaaladduse ma jirto.
8Jidkaygii ayuu ooday si aanan u dhaafi karin,
Oo wadiiqooyinkaygiina gudcur buu ka dhigay.
9Ammaantaydii wuu iga xayuubiyey,
Oo taajkiina madaxayga wuu ka qaaday.
10Xagga iyo xaggaaba wuu iga dumiyey, oo baabba' waan noqday,
Oo rajadaydiina sidii geed oo kale ayuu u rujiyey.
11Aad buu iigu cadhooday,
Oo sida mid cadowgiisa ah ayuu igu tiriyaa.
12Ciidammadiisii oo dhammu way wada yimaadaan,
Oo jid bay dhistaan si ay iigu kacaan,
Oo teendhadayda hareeraheeda ayay degaan.
13Walaalahay wuu iga fogeeyey,
Oo kuwii aan iqiinna way iga wada shisheeyoobeen.
14Ehelkaygii way i dayriyeen,
Oo saaxiibbadaydiina way i illoobeen.
15Kuwa reerkayga ku hoyda, iyo gabdhaha addoommahayga ahuba waxay igu tiriyaan shisheeye,
Oo hortooda waxaan ku ahay ajanabi.
16Waxaan u yeedhaa addoonkaygii,
Oo in kastoo aan afkayga ku baryo, iima jawaabo innaba.
17Naagtaydu waxay nacdaa neeftayda,
Oo carruurtii hooyaday dhashayna waxay nacaan baryootankayga.
18Xataa dhallaanka yaryaru way i quudhsadaan,
Oo haddaan sara joogsado way i caayaan.
19Saaxiibbadaydii aan ku kalsoonaa oo dhammu way i karahsadaan,
Oo kuwii aan jeclaana way igu soo jeesteen.
20Haraggayga iyo hilibkaygu waxay ku dhegaan lafahayga,
Oo dirqi baan ku baxsaday.
21Saaxiibbadayow, ii naxa, oo ii naxa,
Waayo, gacantii Ilaah baa i taabatay.
22Maxaad sidii Ilaah iigu silcisaan?
Oo bal maxaad dhibaatada jidhkayga uga dhergi weydeen?
23Waxaan jeclaan lahaa in erayadayda la qoro!
Iyo in kitaab gudihiis lagu qoro!
24Iyo inay weligood dhagax kula qornaadaan
Qalin bir ah iyo rasaas!
25Laakiinse waan ogahay in kii i soo furtay nool yahay,
Iyo inuu ugudambaysta dhulka ku istaagi doono.
26Oo markii haraggaygu sidaas u baabba'o dabadeed,
Ayaan anigoo aan jiidh lahayn Ilaah arki doonaa,
27Kaasoo aan aniga qudhaydu arki doono,
Oo indhahaygu ay fiirin doonaan, oo aanay kuwa mid kale arkayn.
Qalbigaygu waa taag daranyahay.
28Haddaad istidhaahdaan, War xaalkan salkiisu isagaa laga helay,
Bal maxaannu isaga u silcinnaa?
29Si aad u ogaataan in xukun jiro,
Waxaad ka cabsataan seefta,
Maxaa yeelay, cadhadu waxay keentaa taqsiirta seefta.

Currently Selected:

AYUUB 19: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy