YouVersion Logo
Search Icon

AYUUB 16

16
Ayuub
1Markaasaa Ayuub u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
2Anigu waan maqlay waxyaalo badan oo caynkaas ah.
Idinku dhammaantiin waxaad tihiin qalbiqabowjiyayaal qalqalloocan.
3Hadal dabayl ahu miyuu dhammaadaa?
Balse maxaa kaa dhirfinaya oo aad u jawaabaysaa?
4Haddii naftiinnu ahaan lahayd naftayda,
Anigu waan u hadli kari lahaa sidiinna oo kale,
Oo hadal waan idinku kor tuuli kari lahaa,
Oo madaxaygana waan idinku ruxruxi kari lahaa.
5Laakiinse anigu afkayga waan idinku xoogayn lahaa,
Oo tacsiyaynta bushimahayguna way idin qalbi qabowjin lahayd.
6Anigu haddaan hadlo xanuunkaygu igama yaraado,
Oo haddaan iska aamusona miyaan in ka yar xanuunsadaa?
7Laakiinse haatan wuu i daaliyey,
Oo guutadaydii oo dhan cidlo baad ka dhigtay.
8Waad i qabsatay, taasuna waa marag iga gees ah,
Oo waxaa igu kaca macluulkayga, oo fool ka fool ayuu igu markhaati furaa.
9Isagoo cadhaysan ayuu i dildillaacsaday, oo wuu i silciyey,
Wuuna igu ilko jirriqsaday,
Oo cadowgaygii indhuhuu igu caddeeyey.
10Iyagu afkay ii kala qaadeen,
Oo quudhsasho ayay dhabanka igaga dharbaaxeen,
Oo dhammaantoodna way isu kay wada urursadaan.
11Ilaah wuxuu gacantooda i geliyaa cibaadalaawayaasha,
Oo wuxuu igu dhex tuuraa gacmaha kuwa sharka ah.
12Anigoo iska istareexsan ayuu i kala jejebiyey,
Oo intuu surka i qabtay ayuu i kala burburiyey,
Oo weliba intuu meel i qotomiyey ayuu goolibaadh iga dhigtay.
13Qaansoolayaashiisii ayaa i hareereeya,
Oo kelyahaygii ayuu kala googooyaa,
Oo xammeetidaydiina dhulkuu ku daadshaa.
14Isagu wuu i jejebiyaa oo nabarba nabar buu iiga kor mariyaa;
Oo sidii nin xoog badan ayuu orod igula soo kacaa.
15Korkayga waxaan ku tolay joonyad,
Oo xooggaygiina ciiddaan ku riday.
16Wejigaygii oohin buu la beddelmay,
Oo indhaha daboolkoodana waxaa ii jooga hooskii dhimashada,
17In kastoo aanay xaqdarro ku jirin gacmahayga,
Oo uu baryootankayguna daahir yahay.
18Dhulkow, dhiiggayga ha qarinin,
Oo qayladayduna yaanay meelay ku nasato lahaan.
19Oo hadda bal eeg, markhaatigaygii wuxuu joogaa samada,
Oo kii ii dammiintaana xagga saruu joogaa.
20Saaxiibbaday way igu qoslaan,
Laakiinse indhahaygu ilmo bay u daadiyaan xag Ilaah.
21Bal muu jiro mid dadka Ilaah ula hadla,
Siduu nin deriskiisa ugu hadlo oo kale.
22Waayo, markii dhawr sannadood dhaafaan,
Waxaan mari doonaa jidka aanan mar kale dib uga soo noqonayn.

Currently Selected:

AYUUB 16: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy