YouVersion Logo
Search Icon

HOOSHEECA 2

2
1Waxaad wiilasha walaalihiinna ah ku tidhaahdaan, #2:1 Cammii = Dadkayga Cammii, gabdhaha walaalihiinna ahna waxaad ku tidhaahdaan, #2:1 Ruxaamaah = Mid loo naxariistay Ruxaamaah.
Ciqaabtii Iyo Soo Celintii Israa'iil
2Hooyadiin barya, ee barya, waayo, iyadu ma aha afadaydii, oo aniguna ma ahi ninkeedii. Oo wejigeeda ha ka fogayso dhillanimadeeda, oo sinadeedana ha ka fujiso naasaheeda dhexdooda, 3si aanan iyada u qaawin, oo aanan uga dhigin sidii maalintii ay dhalatay, oo aanan uga dhigin sidii meel cidla ah, oo aanan uga dhigin sidii dhul engegan, oo aanan harraad ugu dilin. 4Haah, oo carruurteeda uma aan naxariisan doono, waayo, waa dhillo carruurteed. 5Waayo, hooyadood waa dhillowday, oo tii iyaga uuraysatay waxay samaysay wax ceeb weyn ah, waayo, waxay tidhi, Anigu waan daba gelayaa kuwa i caashaqa ee i siiya kibistayda iyo biyahayga, iyo suufkayga, iyo waxayga linenka ah, iyo saliiddayda, iyo cabniinkayga. 6Haddaba bal eeg, anigu jidkaaga waxaan ku awdi doonaa qodxan, oo deyr baan iyada hor dhigi doonaa, si ayan dhabbaheedii u helin. 7Oo iyana waxay daba geli doontaa kuwa iyada caashaqi jiray, laakiinse ma ay gaadhi doonto. Way doondooni doontaa, laakiinse innaba ma ay heli doonto. Kolkaasay odhan doontaa, Waxaan ku noqon doonaa ninkaygii hore, waayo, markaasaa iiga roonayd siday haatan tahay. 8Waayo, iyadu ma ay ogayn inaan anigu siiyey hadhuudhka, iyo khamriga, iyo saliidda, iyo inaan iyada ku badiyey lacag iyo dahab ay iyagu Bacal ugu isticmaali jireen. 9Haddaba sidaas daraaddeed anigu hadhuudhkayga wakhtigiisa waan ceshan doonaa, oo khamrigaygana xilligiisa waan ceshan doonaa, oo suufkayga iyo waxayga linenka ah ee cawradeeda dedi lahaana waan ka qaadi doonaa. 10Oo haatan waxaan soo bandhigi doonaa ceebteeda iyadoo ay u jeedaan kuwa iyada caashaqi jiray, oo ninna iyada kama samatabbixin doono gacantayda. 11Oo weliba farxaddeeda oo dhanna waan wada joojin doonaa, tan ciidaheeda, iyo bilaheeda cusub, iyo sabtiyadeeda, iyo shirarkeedaba. 12Oo waxaan baabbi'in doonaa geedaheedii canabka ahaa iyo dhirteedii berdaha ahayd oo ay iyadu tidhi, Kuwanu waa kiradaydii ay kuwii i caashaqi jiray i siiyeen. Oo waxaan iyaga ka dhigi doonaa duud, waxaana daaqi doona xayawaanka duurka. 13Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan iyada u taqsiiri doonaa maalmihii ay fooxa Bacaliim u shidday, oo ay isku sharraxday hilqadaheedii iyo dahabkeedii, oo ay daba gashay kuwii iyada caashaqi jiray, anigase ay i illowday.
14Haddaba bal eeg, qalbigeedaan soo jiidi doonaa, oo cidladaan iyada keeni doonaa, oo si qabow baan ula hadli doonaa. 15Oo waxaan iyada halkaas ka siin doonaa beeraheedii canabka ahaa, oo dooxada Caakoorna waxaan uga dhigi doonaa albaab rajo, oo iyana halkaasay ku jawaabi doontaa, sidii waagii ay dhallintayarayd oo kale, iyo sidii maalintii ay dalkii Masar ka soo baxday. 16Oo waxay maalintaas noqon doontaa inaad iigu yeedhid, Ninkaygiiyow, oo aadan mar dambe iigu yeedhin, Bacalkaygiiyow, ayaa Rabbigu leeyahay. 17Waayo, afkeeda waan ka fogayn doonaa magacyada Bacaliimta, iyana mar dambe magacooda lama soo qaadi doono. 18Oo maalintaas waxaan iyaga aawadood axdi ula dhigi doonaa xayawaanka duurka, iyo haadda samada, iyo waxa dhulka gurguurtaba, oo dalka dhexdiisa waan ka baabbi'in doonaa qaansada iyo seefta iyo dagaalkaba, oo waxaan ka dhigi doonaa inay si ammaan ah u jiifsadaan. 19Oo waan ku guursan doonaa inaad weligaaba tayda ahaatid. Haah, oo waxaan kugu guursan doonaa xaqnimo, iyo caddaalad, iyo raxmad, iyo naxariis. 20Oo xataa waxaan kugu guursan doonaa daacadnimo, oo adna Rabbigaad ogaan doontaa. 21Oo waxay maalintaas noqon doontaa inaan jawaabo, ayaa Rabbigu leeyahay. Waxaan u jawaabi doonaa samooyinka, oo iyana waxay u jawaabi doonaan dhulka. 22Oo dhulkuna wuxuu u jawaabi doonaa hadhuudhka, iyo khamriga, iyo saliidda, oo iyaguna waxay u jawaabi doonaan Yesreceel. 23Oo anna dhulkaan iyada ku beeran doonaa, oo waan u naxariisan doonaa tii aan naxariista heli jirin, oo kuwo aan dadkayga ahaan jirin ayaan ku odhan doonaa, Idinku dadkaygaad tihiin, oo iyana waxay igu odhan doonaan, Adna waxaad tahay Ilaahayo.

Currently Selected:

HOOSHEECA 2: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy