YouVersion Logo
Search Icon

SABUURRADII 97

97
1Rabbigu isagaa taliya, haddaba dhulku ha reyreeyo,
Oo gasiiradaha badanuna ha wada farxeen.
2Isaga waxaa ku wareegsan daruuro iyo gudcur,
Oo carshigiisana waxaa aasaas u ah xaqnimo iyo garsoorid.
3Waxaa hortiisa socda dab,
Oo wuxuu wada gubaa cadaawayaashiisa ku wareegsan.
4Hillaaciisii ayaa dunida iftiimiyey,
Dhulkuna wuu arkay, wuuna gariiray.
5Buurihii waxay Rabbiga hortiisa ugu dhalaaleen sidii shamac oo kale,
Iyagoo hor jooga Sayidka dhulka oo dhan.
6Samooyinku waxay sheegaan xaqnimadiisa,
Oo dadyowga oo dhammuna waxay arkaan ammaantiisa.
7Kuwa sanamyada la qoray u adeega
Iyo weliba kuwa sanamyada ku faana oo dhammu ha ceeboobeen,
Ilaahyada oo dhammow, isaga caabuda.
8Rabbiyow, Siyoon way maqashay, wayna faraxday,
Oo gabdhihii reer Yahuudahna waxay ku reyreeyeen garsooriddaadii.
9Waayo, Rabbiyow, adigu waad ka sarraysaa dhulka oo dhan,
Oo aad baa lagaaga sarraysiiyey ilaahyada oo dhan.
10Kuwiinna Rabbiga jeclow, sharka nebcaada,
Isagu wuxuu dhawraa nafaha quduusiintiisa,
Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyaa gacanta kuwa sharka leh.
11Waxaa kuwa xaqa ah loo beeray iftiin,
Kuwa qalbigoodu qumman yahayna, farxad.
12Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku farxa,
Oo magiciisa quduuska ah ku mahadnaqa.

Currently Selected:

SABUURRADII 97: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy