YouVersion Logo
Search Icon

SABUURRADII 45

45
Kanu waa sabuur Maskiil ah oo ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha, waana gabay jacayl ku saabsan oo lagu luuqeeyo Shoshanniim.
1Qalbigaygu wuxuu la buuxdhaafaa hadal wanaagsan,
Oo waxaan boqorka u sheegayaa waxyaalihii aan sameeyey,
Carrabkaygu waa sida karraani dhaqsiyo badan qalinkiis.
2Adigu waad ka sii quruxsan tahay binu-aadmiga,
Oo bushimahaaga waxaa ka buuxda nimco,
Sidaas daraaddeed ayaa Ilaah kuu barakeeyey weligaaba.
3Seeftaadu bowdadaada ha saarnaato, kaaga xoogga badanow,
Oo quruxda iyo haybadda lahow.
4Runta iyo camalqabowga iyo xaqnimada daraaddood,
Waxaad faraskaaga ku fuushaa haybad adigoo barwaaqaysan,
Oo gacantaada midigna waxay ku bari doontaa waxyaalo cabsi badan.
5Fallaadhahaagu waa af badan yihiin,
Oo waxay wadnaha ka mudaan boqorka cadaawayaashiisa,
Dadyowguna hoostaaday ku soo dhacaan.
6Carshigaagu, Ilaahow, waa weligiis iyo weligiis,
Oo ul caddaaladdeedna waa usha boqortooyadaada.
7Adigu xaqnimada waad jeclayd, oo xumaantana waad necbayd,
Sidaas daraaddeed Ilaaha Ilaahaaga ahi wuxuu kuugu subkay
Saliidda farxadda, oo kuwa ku weheliyana wuu kaa sarraysiiyey.
8Dharkaaga oo dhan waxaa ka soo carfa malmal, iyo cuud, iyo qasica.
Oo qasriyo fool maroodi ah ayaa kaaga farxiyey alaab muusiko xadhko leh.
9Dumarkaaga sharafta leh waxaa ku jira gabdhaha boqorrada,
Midigtaadana waxaa taagan boqoradda oo isku sharraxday dahabkii Oofir.
10Haddaba, gabadhoy, bal i maqal, oo fiirso, oo dhegta soo dhig,
Oo weliba waxaad illowdaa dadkaagii iyo gurigii aabbahaa;
11Markaasuu boqorku quruxdaada jeclaanayaa,
Waayo, isagu waa sayidkaaga, oo adna isaga u sujuud.
12Oo waxaa halkaas joogi doonta gabadha reer Turos, iyadoo hadiyad wadda,
Xataa taajiriinta dadka ku jirtaa waxay kaa baryi doonaan raallinimo.
13Gabadha boqorka oo hoyga boqorka joogtaa waa qurux miidhan,
Dharkeeda dahab baa lagu dhex sameeyey.
14Waxaa boqorka loo geeyn doonaa iyadoo sharraxan,
Bikradaha saaxiibadaheeda ah oo iyada daba socdana waa laguu keeni doonaa.
15Waxaa iyaga lagu hoggaamin doonaa farxad iyo rayrayn,
Oo waxay soo geli doonaan hoyga boqorka.
16Meeshii awowayaashaa waxaa joogi doona wiilashaada,
Kuwaas oo aad dunida oo dhan amiirro uga dhigi doonto.
17Magacaaga waxaan ka dhigi doonaa mid ka ab ka ab la xusuusto,
Sidaas daraaddeed dadyowgu mahad bay kuu naqi doonaan weligood iyo weligood.

Currently Selected:

SABUURRADII 45: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy