YouVersion Logo
Search Icon

SABUURRADII 142

142
Kanu waa baryootan Maskiil ah ee Daa'uud tiriyey markuu godkii ku jiray.
1Anigu codkaygaan Rabbiga ugu qayshadaa,
Oo codkaygaan Rabbiga ku baryaa.
2Oo hortiisaan ku cawdaa,
Oo dhibaatadaydana hortiisaan ku muujiyaa.
3Markii naftaydu gudahayga ku itaal darnaatay, waddadayda waad tiqiin,
Jidka aan ku socdona dabin bay iigu qariyeen.
4Bal fiiri xaggayga midig, oo bal arag,
Waayo, nin i yaqaan ma jiro,
Meel aan magangalo ayaan waayay, ninna naftayda dan kama leh.
5Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday,
Oo waxaan idhi, Waxaad tahay magangalkayga,
Iyo qaybta aan dalka kuwa nool ku leeyahay.
6Qayladayda dhegayso, waayo, aad baa hoos laygu dejiyey,
Kuwa i silciya iga samatabbixi, waayo, iyagu way iga xoog badan yihiin.
7Naftayda xabsiga ka soo bixi, si aan magacaaga ugu mahadnaqo,
Kuwa xaqa ah ayaa igu hareeraysnaan doona,
Waayo, wax badan oo wanaagsan baad ii samayn doontaa.

Currently Selected:

SABUURRADII 142: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy