YouVersion Logo
Search Icon

AYUUB 4

4
Eliifas
1Markaasaa Eliifas kii reer Teemaan u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
2Mid hadduu isku dayo inuu kula hadlo, ma ka xumaanaysaa?
Laakiinse bal yaa hadal iska celin kara?
3Bal eeg, adigu kuwa badan wax baad bartay,
Oo gacmihii itaalka darnaana waad xoogaysay.
4Erayadaadu way tiiriyeen kii sii dhacayay,
Oo jilbihii tabarta yaraana waad adkaysay.
5Laakiinse haatan dhibaatadu aday kuu timid, oo waad taag yaraanaysaa,
Wayna ku soo gaadhay, oo waad dhibaataysan tahay.
6War kalsoonidaadu sow ma aha cabsida aad Ilaahaaga ka cabsato,
Rajadaaduse sow ma aha daacadnimada jidadkaaga?
7Waan ku baryayaaye bal wax xusuuso, bal yaa weligiis halligmay isagoo aan xaq qabin?
Amase xaggee baa mid qumman lagu halaagay?
8Sidaan anigu arkay, weligoodba kuwii xumaan tacbadaa,
Oo belaayo beertaa, isla waxaasay goostaan.
9Iyagu waxay ku baabba'aan Ilaah neeftiisa,
Oo waxay ku dhammaadaan afuufidda cadhadiisa.
10Libaaxa cidiisii, iyo aarka cadhaysan codkiisii,
Iyo libaaxyada yaryar miciyahoodiiba waa jajabaan.
11Libaaxa duqa ahu ugaadhla'aanta buu u bakhtiyaa,
Oo goosha dhasheediina way kala firdhaan.
12Haddaba war baa qarsoodi la iigu keenay,
Oo dhegtayduna faqiisay qabsatay.
13Habeenkii markay riyooyinku fikirro kiciyaan,
Oo ay dadku hurdo weyn ku fogaadaan,
14Ayaa cabsi iyo gariiru igu dhacay,
Oo lafahayga oo dhammuna way wada ruxruxmadeen.
15Markaasaa ruux wejigayga soo hor maray,
Oo timihii jidhkayguna waa soo wada istaageen.
16Oo isagii wuu joogsaday, laakiinse muuqashadiisii waan kala saari waayay;
Muuqaal baa indhahayga hortooda joogay;
Intii mudda ah aamusnaan baa jirtay, dabadeedna waxaan maqlay cod leh,
17War nin dhiman karaa miyuu Ilaah ka sii caaddilsanaan karaa?
Mase nin baa ka sii daahirsanaan kara kii isaga abuuray?
18Bal eeg, isagu addoommadiisa iskuma halleeyo;
Oo malaa'igihiisana nacasnimuu ku eedeeyaa.
19Intee ka sii badan buu eedeeyaa kuwa guryaha dhoobada ah deggan,
Oo aasaaskoodii boodhka ku jiro,
Oo sida balanbaallis u burbura!
20Subaxdii iyo fiidkii inta ka dhex leh ayay baabba'aan;
Weligoodba way halligmaan iyadoo aan ciduna ka fikirayn.
21Xadhkaha teendhooyinkoodii sow lama siibo?
Way dhintaan iyagoo aan xigmad lahayn.

Currently Selected:

AYUUB 4: SOM08

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in

YouVersion uses cookies to personalize your experience. By using our website, you accept our use of cookies as described in our Privacy Policy